26 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Ciidamada Khaatumo oo gaadiidkooda DAGAALKA soo saaray iyo cabsi jirta !!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Degaanka Saaxdheer ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay saan-saan colaadeed oo u dhexeeya Ciidamada Khatumo iyo Somaliland.

Wararku waxa ay sheegayaan in Ciidamada labada Maamul ay yihiin kuwo is hor fadhiya, islamarkaana ay suuragal tahay in wakhti waliba uu ka dhexdhaco dagaal fool ka fool ah oo labada ciidan ay wada galaan.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Maamulka Khatumo ay banaanka usoo saareen Gaadiidkooda dagaal, halka kuwa Maamulka Somaliland ay iyaguna halkaasi kawadaan dhaqdhaqaaqyo ciidan.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa sheegaya in Ciidamada Labada Maamulka ay is hor fadhiyaan, mana jirto cid ilaa iyo iminka ka hashaday Colaadaha la filankaro in halkaasi ay ka dhacaan.

Dhanka kale, Dadka ku nool Saaxdheer ay bilaabay inay Barakac sameeyan kuwaas oo ka cabsi qaba in Labada dhinac ay ku dul dagaalamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News