Jawaari oo u sheegay Xasan Sheekh in uu iska hilmaamo inuu xilka korarsado

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay marka la gaaro sanadka 2016 dalka inay ka dhaci doonto doorashadii ugu horreeysay oo si xor ah u dhacda.

Jawaari oo la hadlayay warbaahinta dowladda waxuu sheegay inay socdaan qorshihii lugu gaari lahaa doorasho dalka ka dhacda oo ay shacabku doortan hoggaanka ugu sareeya.

Waxuu sheegay inaysan dhici doonin wax waqti ah oo loogu dari doono dowladda hadda dalka ka shaqeysa ee u hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo taa badalkeeda tilmaamay in doorasho ay dalka ka dhacdo marka la gaaro sanada 2016-ka, sida qorshuhu yahay.

Hadalkiisa ayaa yimid xilli ay wararka sheegayaan in madaxweyne Xasan uu doonayo in laba sano oo xil kordhin ah loo sameeyo.

“Dalka doorashaa ka dhacaysa marka la gaaro 2016 sida qorshuhu yahay, balse ma jiri doono wax waqti dheerad ah oo loogu dari doono dowlada hadda shaqeynaysa,” ayuu yiri Jawaari oo inta ku daray in doorashadu aysan noqo doonin in Odayal dhaqameed ay soo xulaan Madaxda iyo Baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ahna ku simaha madaxweynaha dalka, waxaa kalo uu hadalkiisa ku soo qaaday in baarlamaanka federaalka ah uu guda gali doono marka uu furmo kalfadhiga Lixad sharciga Axsaabta siyaasada isla markaana dalka laga hirgali doono axsaab siyaasadeed bisha Maajo marka la gaaro waxaana uu gudoomiyuhu ku dheeraaday Muhiimada ay leedahay in Axsaab siyasadeed la hirgaliyo.

Ugu dambeyn, waxuu ka hadlay waqtiga uu furmi doono Kalfadhiga Lixaad ee baarlamaanka federaalka ah waxuuna sheegay in 11 April ay soo xaadiraan xildhibaannada baarlamaanka si howlaha adag ee horyaala golaha loo amba qaado.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com