Ciidamada Liyuu Boolis “oo dilay 31 qof oo shacab ah”

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Masuul ka tirsan Dawlad goboleedka Oromada ayaa sheegay in 31 ruux oo Oromo ah la dilay ka dib markii ciidammada gaarka ah ee deegaanka Soomaalida ee Liyuu Booliis ay rasaas ku fureen dad shacab ah subaxnimadii Axadda.

Arrintaas ayaa ka dhacday xadka gobolka Oromada iyo Soomaalida.

Dadka dhintay waxaa ku jira carruur iyo ciroole, shan ka mid ahna waxaa lagu sheegay dumar. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada maamulka Oromada dalka Ethiopia

Sidoo kale, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka ciidammada Liyuu Booliiska ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada, ayaa waxaa bilihii dhowaa ka dhaxeeyey colaad sababtay dhimashada boqolaal qof oo labada dhinac ah, ayada oo xasuuqyo badan ay soo wariyeen labada dhinac.

Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa dhowaan sheegay in ciidamada federaalka Ethiopia ay faro-gelin doonaan xiisadda, islamarkaana wax ka qaban doonaan, hase yeeshee illaa iyo hadda ma muuqato in arrintan ay kasoo raynayso.

Caasimada Online
Xafiiska Addis-Ababa
Caasimada@live.com