25 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Ciidamada Liyuu boolis oo gudaha u galay Galgaduud iyo xiisad ka taagan magaalada…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan Liyuu boolis ay gudaha u galeen gobolkaasi.

Ciidamada ayaa tagay degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud, waxaana wararka ay sheegayaan inay halkaa ka kaxeysteen gaadiid dagaal.

Jaamac Xeyle Maxamuud, gudoomiyaha degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ciidamada ay fariisin ka sameysteen duleedka degmada Balanbale.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay inaysan garaneyn sababta arintan ka dambeysa islamarkaana ma jirin wax war gelin ah oo lagu sameeyay maamulkooda.

Ciidamada Liyuu Boolis ayaa inta badan waxaa lagu eedeeyaa in ay dhibaato u geystaan dadka reer miyiga ah ee kunool gobolka Galgaduud.

Waxaa jirto xiisad ka dhalatay ciidamada liyuu boolis fariisinka ay ka sameysteen deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News