24.4 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Xildhibaanada labada aqal oo go’aano ka kooban 6 qodob kasoo saaray doorashada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa Magaalada Muqdisho ka socda fadhigii u dhexeeyay Xildhibaanada Labada Aqal ee dalka kuwaa oo maanta iska dhex dooranaayay Guddiga Doorashooyinka isla markaana go’aan ka gaarayay xiliga Doorashada.

Xildhibaanada oo ka doodida labada Qodob kala qaaday ayaa waxa ay hadda go’aan kasoo saaren Guddiga Doorashooyinka heerka Madaxweyne.

Xildhibaanada oo dhinacyo badan ka eegaayay howlaha Doorashada ayaa isla gartay 6 Qodob oo kala ah:

1 – In tirada Guddiga doorashada Madaxweynaha ay noqdaan 16 mudane , 10 ay ka imaanayaan golaha shacabka , halka 6-da kalena ay ka imaanayaan Aqalka Sare.

2 – In Guddiga doorashooyinka Heer Federaal ay goobjoog ka noqdaan doorashada Madaxweynaha.

3 – In ciidamada Ammaanka ee xaqiijinaya goobta ay ka dhaceyso doorashada Madaxweynaha ay ka amar qaataan gudoonka Baarlamaanka.

4 – Lacagaha laga qaado Musharaxiinta qeyb ka mid ah in lagu bixiyo abaaraha ka jira dalka.

5 – In musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha la weydiiyo su’aallo dood wadaag ah .

6 – In la sameeyo Guddiga Madaxa Banaan ee ka hortaga Musuq maasuqa.

Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa ka doodaaya xiliga Doorashada Madaxweynaha dalka, waxaana laga yaabaa in dib u dhac uu ku imaado xiliga Doorashada.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan Xiliga Doorashada, waxaana goordhow lagu wadaa in go’aan laga soo saaro xiliga Doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News