Ciidamada Mareykanka oo dhoolatus nooc cusub ah ku qabanaya Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Somaliland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay ujeedada safar saraakiil Mareykan ah ay Jimcihii ku tageen magaalada Berbera ee gobolka Saaxil.

Qoraal kasoo baxay taliska ciidanka Somaliland ayaa lagu sheegay “in saraakiisha labada ciidan ay ka wada-xaajoodeen tobabar millateri oo Berbera ka dhici doona bisha soo socota ee Febraayo.”

Taliska ayaa sidoo kale sheegay in tobabarka millateri ee marti-gelinayso Somaliland ay kasoo qeyb-gali doonaan illaa 20 waddan, uuna ka dhici doono goobo ay si wada-jir ah u sahmiyeen ciidamada Somaliland iyo Mareykanka.

War-saxaafadeed kasoo baxay safaarada Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay in safarka saraakiisha Mareykanka ku tageen Berbera ay kusoo beegan tahay ka hor tobabarka millater ee caalamiga ah.

Mareykanka ayaa sheegay in tobabarkan looga dan leeyahay in kordhiyo iskaashiga caalamiga ah ee ka jawaab celinta qalaalasaha, howl-galada ka hortaga argagixisada iyo in la diyaariyo howlaha gobolka ee QM iyo Midowga Afrika.

“Mareykanka iyo xubno ka socda ciidamo kale oo Geeska Afrika ah, ayaa indho indhayn ku tagay dekedda Berbera, booqashadan ayaa imanaysa ka hor dhoolatus millateri oo uu Maraykanku hogaamimayo oo la qorsheeyay in uu qabsoomo bisha February ee 2023.”

Sidoo kale waxa qoraalka Mareykanka lagu sheegay in dhoolatusyo lamid ah ka Berbera ay ka dhici doonaan waddamada Botswana, Jabuuti, Kenya, Uganda iyo Rwanda, kaasi oo ay ka qayb-gali doona illaa 20 waddan oo Soomaaliya ku jirto.

Maraykanka ayaa waxa uu Berbera u arka goob hoy u noqon karta abaabulka howl-galada uu ku sugayo amaanka gobolka, maadama ay magaaladan ay kulaaleyso labo kamid ah marinada badaha ee ugu waaweyn caalamka.

Si kastaba, dhoolatuskan ayaa la filayaa in uu ibo-fur u yahay iskaashiga cusub ee Mareykanka iyo Somaliland, kadib markii madaxweyne Biden uu dhawaan saxiixay xeer ogolaanaya in labada dhinac yeeshaan iskaashi ciidan iyo mid siyaasadeed.