‘Xoonkii maleeshiyada Al-Shabaab ee bartamaha Soomaaliya oo maanta go’ay’

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta soo saaray qormo uu ciwaankeedu yahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka oo maanta go’ay.”

Guuleed ayaa waxa uu sheegay gacan ku dhigista degmada istiraatiijiga ah ee Xarardheere ee gobalka Mudug ay tahay “talaabo muhiim ah oo wax weyn ka tareysa halganka ciribtirka kooxaha argagaxisada ah.”

Sidoo kale waxa uu xusay in Xarardheere ay saldhig muhiim ah u aheyd Al-Shabaab, si gaar ahna xarunta saadka iyo sahayda ay ka soo dajistaan iyo goob ay qaraxyada ka soo abaabulaan.

“Sidaa daraadeed ka qabshadeedu waxay ka dhigan tahay “Xoonkii Al-Shabaab ee bartamaha dalka Soomaaliya oo maanta la jaray”.

Guuleed ayaa ku bogaadiyay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa xoogaga deegaanka guushaas ay maanta soo hooyeen.

“Waxaa rajeynayna in magaalooyinka kale ee Galmadug ee wali gacantooda ku haray in ay deg-deg u xoreyn doonaan,” ayuu Cabdikariin Guuleed kusoo afmeeray qormadiisa uu kaga hadlayay dagaalka Al-Shabaab iyo guusha maanta la gaaray.

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere, kadib markii dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna ay faarujiyeen.

Howl-galada dagaal ee ka dhanka Al-Shabaab ayaa si weyn ugu sii fidaya dalka, ayada oo tan iyo markii ay billowdeen kooxda lagu gaarsiiyay jab xoogan, islamarkaana looga qabsaday deegaano horleh oo sanado badan ku jiray gacantooda.