Xog: Shaqsi aan la fileyn oo loo xirayo kursigii loo diiday Fahad Yaasiin ee HOP#086

Muqdisho (Caasimada Online) – Kursigii loo diiday sanadkii hore ee dhamaaday taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin ayaa waxa soo baxeysa in Villa Somalia ay u xireyso shaqsi gaar ah, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoon yahay.

Kursigii hore loogu doortay Fahad ee HOP#086 ayaa waxa loo xirayaa musharax aad ugu dhaw Villa Somalia, oo lagu magacaaba Dr. Maxamed Xaaji Axmed, sida ay xog ku heshay Caasimada Online.

Musharaxan ayaa wuxuu hogaamin jiray garabka Damul-Jadiid ee Al Islaax, wuxuuna haatan xubin ka yahay hay’adda culimada Soomaaliyeed iyo guddiga gurmadka Abaaraha.

Dr. Maxamed ayaa lagu warramay inuu taageero weyn ka haysto Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Faarax Sheekh Cabdulqaadir oo asagu ah xildhibaankii hore ugu fadhiyay kursigan, kana mid ah shaqsiyaadka ku dhow madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale waxaa go’aankan la qaba kooxda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kuwaasi oo doonaya inuu tartan la’aan ku qaato kursigan Dr. Maxamed Xaaji Axmed.

Musharaxan ayaa ah qof aan hore loogu aqoonin arrimaha siyaasadda, waxaana la filayaa inuu kursigan tartan la’aan ku qaato balse beesha kursigan iska leh ayaa ku doodaysa in si caddaalad ah loogu tartamo.

Arrintaan ayaa u muuqata inay soo afmeerayso rajadii Fahad Yaasiin uu uga mid noqon lahaa baarlamanka 11-aad. Fahad ayaa waxaa kursigan horey uga hor-istaagay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Maxamed Xuseen rooble.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa 3-dii bishaan guddi u saaray qabashada kuraasta bannaan ee uu kamidka yahay kursiga Fahad Yaasiin, waxaana jira eedeymo la xiriira in guddigan uu yahay mid dhinac ka raran oo u adeegaya danaha musharax gaar ah.

Xubnaha guddiga uu magacaabay ra’iisul wasaare Xamza ayaa waxa ku jira xubno kamid ah guddigii hore ee doorashooyinkii dadbana ee dalka ka dhacay, kuwaasi oo dhinaca kale qeyb ka ahaa in Fahad Yaasiin loo diido kursiga HOP#086.

Haddii kursigan musharax loo xiro waxay muujin doontaa kala wareeg mabda’ oo ka yimid dhanka madaxweyne Xasan Sheekh, oo muddadii uu banaanka ka joogay Villa Somalia aad ugu dhaliili jiray madaxweyne Farmaajo inuu musuq-maasuqay kuraasta baarlamanka qaarkood.