Magaalada noqotay hoyga firxadka Al-Shabaab oo uu qorshe culus ka billowday

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Yaaqshiid ayaa shaaciyay in magaalada Muqdisho ay noqotay “hoyga firxadka Al-Shabaab”, kadib markii lagu soo jabiyay dagaalka kooxda uga socda gobolada dalka.

“Khawaarijtii Al-Shabaab markii lagu soo jabiyay furimihii dagaalka ee gobolada, waxay dib ugu soo laabteen magaalada Muqdisho ayaga oo xaafadihii iyo degmadii dib ugu soo laabta.”

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay shacabka gobolka Banaadir in maamulka degmooyinka la socodsiiyaan cidkasta oo kusoo kororta xaafadaha iyo kuwa guryaha laga kireynayo, si meesha uga baxdo khataraha amni ee ka dhalan kara Shabaabka firxadka ah.

“Shacabka gobolka Banaadir waxaa ugu baaqeyna dhamaantood, gaar ahaan shacabka degmada Yaaqshiid qofkasta oo deegaankiisa kusoo kordha ama guri uu ka kireynayo la socodsiiyo maamulka, si loo marsiiyo nidaamka amniga waafaqsan oo asagana dhibaatada looga ilaaliyo.”

“Waxaa carabka ku adkeynayna Khawaarijta Al-Shabaab waqtigiina waa dhamaaday waxa la jooga xilligii Shacabka iyo dowladda idinka xoroobi lahaayeen, waana idinka xorownay badanaa. Magaalada Muqdisho waxay noqon doonta magaalo xor ka ah dhibaatooyinka iyo qalalaasaha ay ku hayaan Khawaarijta Al-Shabaab.”

Maalmihii u dambeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howl-galada lagu sugayo amniga caasimada oo ay inta badan ka dhacaan falal liddi ku ah nabad-gelyada.

Si kastaba, Culeyska Al-Shabaab lagu hayo xilligaan ayaa keenay inay si dhuumaaleysi ah kusoo galaan gudaha magaalada Muqdisho, ayada oo dowladda ay sheegtay in aysan macquul aheyn in lagu soo dhaweeyo ama laga kireeyo guryaha.