24.9 C
Mogadishu
Thursday, June 12, 2025

Ciidamada Marines-ka oo gaaray Los Angeles ‘si ay u xorreeyaan’ + Sawirro

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Los Angeles (Caasimada Online) – Boqollaal ka tirsan Ciidamada militariga Marines-ka ee Mareykanka ayaa Talaadadii soo gaaray agagaarka Los Angeles, iyagoo fulinaya amar ka soo baxay Madaxweyne Donald Trump, kaas oo sidoo kale hawlgeliyay 4,000 oo ciidan Ilaalada Qaranka ah (National Guard).

Ciidankan ayaa halkaas loo geeyey si ay u dejiyaan bannaan-baxyada magaalada, inkastoo uu ka soo horjeestay Guddoomiyaha California Gavin Newsom oo ku dooday in ciidammadan loo geeyay sababo siyaasadeed awgood.

Magaaladu waxa ay shantii maalmood ee la soo dhaafay aragtay bannaanbaxyo dadweyne, tan iyo markii maamulka Trump uu Jimcihii bilaabay taxane howlgallo la xiriira socdaalka. Saraakiisha gobolka ayaa sheegay in jawaabta Trump ay ahayd fal-celin xad dhaaf ah oo lagu sameeyay dibadbaxyo inta badan nabdoon.

Qiyaastii 700 oo Ciidanka Marines-ka ah ayaa ku sugnaa goob lagu diyaargaroobo oo ku taalla agagaarka Seal Beach, oo qiyaastii 30 mayl (50 km) koonfur ka xigta Los Angeles, iyagoo sugayay in loo diro meelo gaar ah, sida uu sheegay sarkaal Mareykan ah.

Ciidamada Marines-ka ma laha awood ay ku xiraan dadka, waxaana ay ilaalin doonaan hantida iyo shaqaalaha federaalka, sida ay sheegeen saraakiil milateri. Waxaa jiray ku dhawaad 2,100 oo ciidan Ilaalada ah oo ku sugnaa Los Angeles Talaadadii, iyadoo ay ku soo socdeen ciidan kale, ayuu yiri sarkaalku.

California ayaa Isniintii dacwad ku soo oogtay Trump iyo Wasaaradda Difaaca, iyada oo dooneysa in la joojiyo geynta ciidamada federaalka. Talaadadii, gobolku waxa uu codsaday go’aan degdeg ah oo ku saabsan arrinta xaddidan ee ka qaybgalka ciidamadaas ee sharci fulinta booliska. Garsooruhu waxa uu dhageysi arrintaas ku saabsan u qabtay Khamiista.

Xeer Ilaaliyaha Guud ee California Rob Bonta ayaa u sheegay Reuters in gobolku ka walaacsan yahay in ciidamada federaalka loo ogolaado inay ilaaliyaan shaqaalaha, isagoo sheegay in ay jirto khatar ah in taas ay ku xad gudbi karto sharci soo baxay 1878 oo guud ahaan mamnuucaya ciidamada Mareykanka, oo ay ku jiraan Ilaalada Qaranka, in ay ka qaybqaataan sharci fulinta madaniga ah.

“Qaybta hantida federaalka waan fahmay — difaacidda iyo ilaalinta dhismayaasha federaalka,” ayuu yiri Bonta. “Laakiin ilaalinta shaqaalaha waxay u badan tahay inay la macno tahay la socoshada wakiillada ICE ee bulshooyinka iyo xaafadaha, waxaana ilaalinta hawlaha ay la macno noqon kartaa ilaalinta hawsha ICE ee sharci fulinta socdaalka.”

Laanta Socdaalka iyo Ilaalinta Kastamka ee Mareykanka (ICE) ayaa Talaadadii boggeeda X soo dhigtay sawirro muujinaya ciidamada Ilaalada Qaranka oo la socda saraakiisha ICE intii lagu jiray howlgal la xiriira socdaalka.

Ciidamada Marines-ka waxaa loo tababaray isku dhacyada adduunka oo dhan — laga bilaabo Bariga Dhexe ilaa Afrika — waxaana sidoo kale loo adeegsadaa geynta degdegga ah ee xaaladaha degdegga ah, sida hanjabaadaha ka dhanka ah safaaradaha Mareykanka. Qaar ka mid ah cutubyadu waxay kaloo bartaan farsamooyinka xakameynta rabshadaha iyo dadka.

Duqa magaalada oo leh: Jooji howlgallada

Duqa magaalada Los Angeles Karen Bass ayaa shir jaraa’id ku caddaysay in rabshadaha ay ku koobnaayeen dhowr xarun oo ku yaalla bartamaha magaalada. Waxay ka fiirsanaysay in la soo rogo bandow bartamaha Los Angeles ah si loo xakameeyo rabshadaha ka jira aagga, oo ay ku jiraan dhaca dukaamada.

Waxay kala saartay inta badan dibadbaxayaasha si nabad ah u taageeraya muhaajiriinta iyo tiro yar oo ah dad hurinaya rabshadaha iyo dhaca oo ay ku eedeysay.

Waxay sheegtay inay qorshaynaysay inay Talaadadii la hadasho Trump.

“Waxaan rabaa inaan u sheego inuu joojiyo howlgallada,” ayay tiri. “Waxaan rabaa inaan u sheego in kani yahay magaalo ay degan yihiin muhaajiriin.”

Trump ayaa ku caddeeyay go’aankiisa ah inuu ciidamo geeyo isagoo ku tilmaamay bannaanbaxyada “qabsasho rabshad leh,” tilmaantaas oo Newsom iyo Bass ay sheegeen inay tahay mid si xad dhaaf ah loo buunbuuniyay.

Isagoo la hadlaya suxufiyiinta xafiiska Oval Office, madaxweynuhu waxa uu sheegay in Los Angeles ay “gubanayso hadda” haddii aan la geyn ciidammadan, iyo in ciidamada Ilaalada ay joogi doonaan ilaa inta aanay jirin khatar.

Trump waxa uu fursad u furay inuu adeegsado sharciga qarniyo jiray ee “Insurrection Act,” kaas oo u oggolaanaya ciidamada militeriga inay si toos ah uga qaybqaataan sharci fulinta madaniga ah.

Bannaanbaxyadii Jimcihii ka bilowday ayaa inta badan nabdoon ahaa, laakiin waxaa jiray isku dhacyo kala duwan, iyadoo qaar ka mid ah dibadbaxayaasha ay dhagxaan ku tuureen saraakiisha, ay xireen waddo weyn oo ay gawaari dab qabadsiiyeen. Booliska ayaa ku jawaabay rasaas “aan dilaa ahayn” iyo gaaska danta ka ilmaysiiya.

Waaxda Booliska Los Angeles ayaa sheegtay inay Isniintii xirtay in ka badan 100 qof, taasoo tirada guud ee gobolka ka dhigeysa in ka badan 180 tan iyo Sabtidii.

Talaadadii, boolis sita gaashaan oo xiran koofiyado ayaa saf sameeyay meel u dhow dibadbaxayaasha oo wata boorar ay ku qoran yihiin erayo ay ka mid yihiin “Marka cadaalad daradu noqoto sharci, iska caabintu waxay noqotaa waajib.”

Bannaanbaxyadu waxay ku urursanaayeen bannaanka Xarunta Xabsiga ee Metropolitan Detention Center, halkaas oo lagu hayo muhaajiriin badan oo la xiray. Maamulka Trump ayaa ku goodiyay inuu xoojin doono howlgallada socdaalka iyadoo jawaab u ah.

Bannaanbaxyo ayaa ka dhacay magaalooyin kale, oo ay ka mid tahay Chicago, halkaas oo Talaadadii ay ku dhawaad 100 dibadbaxayaal ah ay ku soo mareen bartamaha magaalada, iyagoo xiray waddooyinka oo wata calaamado ku baaqaya in ICE la burburiyo.

Christina Berger, oo 39 jir ah, ayaa sheegtay in ay aad u xanuun badan tahay in ay maqasho carruur ka baqaya in laga sooco qoysaskooda sababo la xiriira howlgallada socdaalka, iyadoo intaa ku dartay, “Waxaan doonayaa inaan rajo siiyo saaxiibbaday iyo deriskayga.”

- Advertisement -

Read more

Local News