24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Ciidamada Puntland oo maanta gaaray guul kale oo wayn kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca ee Puntland ee weli howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta guul kale oo wayn ka gaaray dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish, waxayna kala wareegeen goobo hor leh.

Ciidamada ayaa saaka aroortii hore kooxda ka qabsaday Ceelka Garooba oo kamid ah goobihii u dambeeyay ee ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadka Daacish, waxaana lasoo wariyay in ciidanka sameeyay howlgalkaasi aysan la kulmin wax iska caabin ah.

Deegaanka ay la wareegeen ciidanka Puntland ayaa ah deegaan istaraatiiji ah, waxaana ku yaalla difaacyo adag oo dabiici ah, sida ay sheegeen saraakiisha laamaha amniga.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in ciidamadu halkaasi ka heleen saad kooban oo kooxdu ka carartay, waxaana sidoo kale haatan deegaanka howlgal ka wada ciidanka Puntland.

Dhawaan ciidamada ayaa qabsaday deegaanno kale oo muhiim ah, gaar ahaan Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlagallo ay weli kasii socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari oo ay isku hayaan Puntland iyo Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News