Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada difaaca ee Puntland ayaa maanta howlgallo culus oo ay ku beegsadeen firxadka kooxda Daacish ka sameeyay aagga buraha Calmiskaad ee goboka Bari, kawaas oo ay guullo waawayn ka gaareen ciidamadu.
Ciidamada ayaa la wareegay saldhigyo muhiim ah oo ay horay ugu sugnaayeen argagixisada, waxaana kamid ah deegaannadaas Ceelka Al-Baraka, Af-ka Dharimood, Ceelasha Burti-Ciise iyo deegaano kale oo ka tirsan isla Togga Baallaade ee gobolka Bari.
Sidoo kale inta uu howlgaka uu socday ciidamada ayaa la dilay ilaa 15 xubnood oo ka tirsaan kooxda Daacish, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Wuxuu talisku sheegay in howlgalladan oo qaatay 72 saacadood jab culus lagu gaarsiiyay argagixisada, isla markaana ay sii wadi doonaan baacsiga maleeshiyaadka Daacish.
“Ciidanku waxay weli kujiraan hawlgalo ay Firxadka Daacish uga sifeynayaan meelaha yar ay uga dhuumanayaan togga Baallade, Hawlgalada ugu danbeeyay waxay kula wareegeen Ceelka Al-Baraka, Af-ka Dharimood , Ceelasha Burti-Ciise iyo deegaano kale oo ka tirsan isla Togga Baallaade, waxaa ay laayeen ku dhowaad 15 ka mid ahaa firxadka Argagixisada Daacish intii ay socdeen Hawlgalada 72 saacadood ee u danbeysay.” ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalka oo muddo socdo ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.
“Wejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsan” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed horay uga soo baxay Puntland.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan iyo howlagallo ay weli kasii socdaan dhulka buuraleyda ee gobolka Bari oo ay isku hayaan Puntland iyo Daacish.


