Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa maamulka Galmudug oo heegan buuxa la geliyey

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wasiirka amniga maamulka Galmudug, Axmed Macalin Fiqi oo la hadlayey warbaahinta sheegay in heegan buuxa la galiyey ciidamada Xoogga iyo kuwa Galmudug, si ay u qaadaan duulaan ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.

Fiqi oo ku sugan aaga Camaara ayaa shaaca ka qaaday in ka maamul ahaan ay diyaar garoobeen, sidii Al-Shabaab oo looga saari lahaa gobollada Galgaduud iyo Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray inuu soo dhammaaday abaabulkii ay wadeen, islamarkaana haatan wixii ka dambeeyana ay qaadayaan howl-gallo ballaaran.

Wasiirka amniga Galmudug ayaa sidoo kale shacabka ku boggaadiyey, sida ay ugu istaageen la-dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Galmudug ayaa muddooyinkii dambe wajaheysay culeys uga imaanayey dhanka Al-Shabaab oo weeraro kala duwan ka fulisay deegaanada maamulkaasi.

Si kastaba ciidamada huwanta ayaa maalmahan bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culus oo ka socda labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.