Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Somalia Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in howlgaladii ciidamada xasilinta amniga ay ka wadeen magaalada Muqdisho ay sii socon doonaan isla markaana shacabka laga doonaayo inaysan ka niyad jebin.
Wasiirka waxa uu sheegay in dadkii ku lugta lahaa dilka Taliye ku-xigeenkii hore NISA ee Gobolka Banaadir iyo Ilaaladiisa Xabsi loo taxaabay isla markaana uu ku socdo baaritaan hadii ay wax ku cadaadana talaabo laga qaadi doono, sida uu hadalka u dhigay.
Ciidamada xiliga weerarka ku qornaa Tiyaatarka ayuu sheegay in dhamaantooda la xiray isla markaana lagu guda jiro baaritaan lagu xaqiijinaayo waxa uu salka ku hayo dilka Taliye xigeenkii hore iyo ilaaladiisa.
Wuxuu sheegay in isbedel lagu sameeyay Ciidamadii ku sugnaa baraha kontorool ee dhacdooyinkii shalay ay ka dhaceen, lana bedelay Ciidamadii hore, laguna soo badalay Ciidamo kale.
Waxa uuna intaas ku daray in sida ugu dhakhsiyaha badan ay usoo gudbinaayaan Natiijada baaritaanka iyo in caddaaladda la hor keeni doono dhammaan dambiilayaasha kiiskaan.
Si kastaba ha ahaatee, laba iska hor imaad oo shalay ka kala dhacay barkontoroolada Umbulotooriyo Ceelgaab iyo Tiyaatarka ayaa waxaa ku geeryooday Taliye ku xigeenkii hore ee Nabadda Sugiida gobolka Banaadir (Jiijiile) iyo Saddex ka mid aheyd ilaaladiisa, dhanka Ciidanka Millitariga Hal Askari ayaa uga geeryooday.
Ogeysiis
Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.
Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka. HALKAN CLICK SII
iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

