Arag Sawirro: Farmaajo oo magacaabay guddi baara shaqaaqadii Muqdisho ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia ka qabsoomay Shirka Todabaadlaha ahaa ee Golaha Ammaanka qaranka.

Shirka oo ahaa mid qaatay saacado badan ayaa waxaa shir guddoominaayey Madaxwaynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo, waxaana xooga lagu saaray Shaqaaqadii dhex martay qaar ka mid ah ciidamada.

Madaxweynaha Somali Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa inta uu shirka socday sheegay inay muhiim tahay in ciidamada dowlada ay yeeshaan taxadar isla markaana ay ogaadan in fal waliba oo si kadisa ay u geystaan lagula xisaabtami dooni.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in dhacdadu aysan noqon doonin mid halkeeda looga haro, waxa uuna intaa raaciyay in la sameyn doono baaritaano adag oo lagula xisaabtami doono Madaxda Hay’adaha.

Farmaajo Madaxda Hay’adaha amniga gaar ahaan kuwa u taliya Hay’adaha ay hoostagaan ciidamada uu iska hor imaadka dhexmaray ayaa ku amray inay keenaan raga ku lug lahaa falka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa isla inta uu socday Shirka dhacdadii foosha xumeyd ku tilmaamay mid naxdin leh, waxa uuna u saaray guddi xaqiiqo raadin ah.

Farmaajo waxa uu Guddiga xaqiiqa raadinta madax uga dhigay Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed Janeraal C/xakiin Daahir Siciid ”Saacid”.

Taliyaha Booliska Jeneraal Saacid waxa uu sheegay in Boolisku ay haatan baaraayaan sida ay wax u dhaceen iyo cidda ku lug leh.

Guddiga uu dhacdada u xil saaray Farmaajo ayaa waxaa ku jira Wasiirka Amniga Qaranka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Taliyeyaasha Ciidamada Nabad-sugidda iyo Milateriga.

Maxamed Abuukar Islow Wasiirka Amniga Dowladda Federaalka ah iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in shilka dhacay uusan saamayn ku yeelan doonin howlgalladii lagu xasilinaayey magaalada Muqdisho.

Docda kale, Guddiga loo xilsaaray arrintani ayaa waxaa loo qabtay muddo kooban inay kusoo saaran Natiijo waafi ah oo lagu xaqiijinaayo sida ay wax u dhaceen.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com