Xog: Xiisad Muqdisho ka taagan kadib markii Sanbaloolshe uu weeraray guriga xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay ciidamo ka tirsan nabad-sugidda oo shalay weerar ku qaaday guriga xildhibaan Yuusuf Ibraahim Kabaale, oo ka mid ah xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadan oo uu soo diray taliyaha nabad-sugidda ay weerareen guriga xildhibaanka oo baarlamanka ku matala beesh Wacbuudhan Abgaal, ayaga oo ku doodaya in hub uu ku jiro gurigiisa.

Waxaa ka dhacay iska hor-imaad kooban, oo markii dambe la xaliyey, islamarkaana aysanna cidna wax ku noqon.

Sida wararku sheegayaan Sanbaloolshe ayaa ku dooday in qaar ka mid ah dadka hubkooda ka cabsaday in ay dowladda ka qaado ay hub kusoo qarsadeen guriga.

Xildhibaanka ayaa haysta xasaanad buuxda, oo diideysa in la baaro gurigiisa, waxaana arrintan ay ka carreysiisay xildhibaano badan, sida qaar ka mid ah ay u sheegeen Caasimada Online.

Xildhibaanada ayaa la filayaa inay dhowaan u yeeraan Sanbaloolshe, si wax looga weydiiyo xadgudubka uu sameeyey, waxaana qaarkood ay sheegeen inay suurta-gal tahay in xilka laga qaado.

Sanbaloolshe ayaa sidoo kale xilka uu hadda hayo wuxuu xiligii madaxweyne Xasan Sheekh ku waayey qaladaad noocan oo kale ah.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com