Beledweyne (Caasimada Online) Warar lagu kal soon yahay oo ay heshay Shabakadda Caasimada Online, ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ay maanta ka guureen saldhigga Bileyska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Ma cadda ilaa hadda sababtay keentay ciidanka Jabuuti ee ku sugnaa saldhigga Booliska ay maanta halkaas isaga baxaan, balse warar aan helnay ayaa sheegay in uu jirro khilaaf soo kala dhexgalay ciidanka iyo maamulka Gobalka Hiiraan.
Khilaafka ayaa yimid markii dhawaan uu qof isku soo xiray wax yaabaha qaraxa uu isku qarxiyay saldhigga, waxaana halkaas ku dhintay askar ka tirsan kuwa AMISOM ee Jabuuti kuwa kalena waa ay ku dhaawacmeen.
Ciidamada Jabuuti ayaa muddo sannad iyo ber ku sugnaa magaalada Beledweyne, waxaana xarunta ugu weyn u ahayd saldhigga booliska ee magaalada.
Ma jirto cid ka hadashay sababta ciidanka Jabuuti ay uga guureen saldhigga magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho