Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aan saaka ka heleyno magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in ciidamo careysan ay la wareegeen hoolka doorashada xildhibaanada aqalka hoose ee magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.
Hoolka oo dhawaan lagu soo doortay xildhibaano uu kamid yahay C/rashiid Maxamed Xidig iyo xildhibaano kale ayaa waxaa la wareegay ciidamo careysan, sida wararka sheegayaan.
Ciidamada ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo soo wajahday, waxaana la sheegayaa iney la wareegeen xarunta doorashada iyaga oo dalbanaya iney helaan mushaarkooda.
Waxaa socdo dadaalo ciidamada looga dhaadhicinayo iney isaga baxaan goobta si doorashada aqalka hoose ay u noqotaa mid ku dhacdo jawi wanaagsan.
Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa wadda dadaalo saraakiisha ciidamada horkaceyso looga dhaadhicinayo ka bixitaan xarunta doorashada ka dhaceyso.
Xaalada magaalada ayaa kacsan, waxaana la ogeyn sida ay wax isku badali karaan.
Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
[email protected]

