Weerar ka dhacay Mareykanka oo lagu dilay Soomaali (Magacyada)

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiisha amaanka magaalada Columbous ee dalka Mareykanka, ayaa sheegay in Kooxo hubeysnaa ay weerar xoogan ku qaaden dhalinyaro Soomaali ah kuwaasi oo muddo fog ku noolaa dalkaasi.

Kooxdaani weerarka geysatay ayay laamaha amniga sheegen in midkood uu soo gaaray dhaawac daran, halka kan kalane uu dhintay.

Saraakiisha ciidamada Booliska magaalada Columbous, waxa ay sheegen in ilaa iyo hadda aysan garankarin sababta loo weeraray Soomaalidaasi, balse taa bedelkeeda ayay sheegen inay wadaan baaritaan lagu xaqiijinaayo falkaasi.

Wiilka uu dhaawaca soo gaaray ayaa waxaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali, halka kan dhintayna lagu magacaabo Qaasim Maxamed.

Booliska ayaa wada baaritaano lagu xaqiijinaayo weerarka, iyagoo la kaashanaaya dhalinyarada saaxiibada la ahaa kuwa la weeraray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com