Ciidamo cusub oo Kumaandoos ah oo loo tababaray Soomaaliya + Sawirro

Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshay ciidamo cusub oo kumaandoos ah, kuwaas oo tababar heerkiisu sarreeyo kusoo qaatay dalka Turkiga.

Ciidamadan oo ka kooban illaa 4 urur oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor ayaa tababarkooda soo dhammeystay, iyaga oo haatan si toos ah u howlgeli doono.

Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa loogu mahadceliyay Turkiga, waxayna wasaaraddu sheegtay in ciidamadan ay ka qayb-qaadan doonaan mas’uuliyadda la wareegida amniga guud ee dalka.

Turkiga ayaa kamid ah saaxibada dhow ee Soomaaliya, wuxuuna taageero milatari oo wayn uu siiyaa dowladda federaalka, isagoo ka qayb qaatay dib u dhiska ciidanka Xoogga dalka.

Hoos ka akhriso warsaxaafadeedka;-

Wasaaradda Gaashaandhiga XJFS oo kaashanaysa dhiggeeda dalka Turkiga ayaa iyada oo ka duuleysa tilmaamaha madaxda Qaranka ee ku aaddan tayeynta iyo horumarinta Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay ugu filnaadaan mas’uuliyadda la wareegida Amniga dalka, ayaa waxaa tababar heerkiisu sareeyo loogu soo xiray magaalada Isparta ee dalka Türkiye, Afar Urur oo katirsan Kumaandooska Gorgor ee Ciidanka  Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa kaga Mahad celiyay dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga, garab istaaga hagar la’aaneed ee ay u muujisay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed.

Ciidamada tababrka loo soo xiray ayaa qeyb ka noqon doona howlgalada xooggan ee Ciidamada Qaranku ay dalka kaga xoreynayaan Khawaarijta iyo difaaca Qarannimada ummadda Soomaaliyeed, iyada oo laga hortagayo cadowga gudaha iyo kan dibadda.