Boosaaso (Caasimada Online) – Ku dhawaad 10 maalmood wuxuu kastamkii canshuuraha degmada Xarfo ee gobolka Mudug u xiran yahay ciidamo gadoodsan oo ka cabanaya mushaar la’aan.
Ciidamadan oo u xiran yahay laamiga muhiimka ah ee degmada, halkaasi oo ay ku xaniban yihiin gaadiidkii ugu badnaa oo xamuul ka keenay dekedda Boosaaso.
Ciidankan gadoodsan ayaa dalbanaya mushaar iyo xuquuq kaga maqan xukuumadda Puntland, iyadoo xanibeen boqollaal gaadiid xamuul ah oo rar culus saaran yihiin.
Gadoodka ciidamadan oo aysan ka hadlin dowladda ayaa waxaa haataan lala xiriirinaya qaar kamid ah Isimada dhaqanka gobolka Mudug, sida uu ku eedeeyay Guddoomiyihii hore degmada Xarfo, Cabdiqaadir Cumar Maxamed (Jeylaani).
Jeylaani ayaa sheegay in Isimada dhaqanka gobolka oo aanu magacaabin in ay ka danbeeyaan dhibaatada ka taagan Xarfo iyo soo noq-noqoshada gadoodka ciidamada, oo muddooyinkii dambe isa-soo taraysay.
“Gadoodka ciidankan waxa la sheegaya in ay ka dambeeyaan Isimada gobolka Mudug, waana wax xaqiiq ah, haddii caqliga saliimka lagu fiiriyo dadkani dad la’aan maaha qabiilo bay ka soo jeedaan,” ayuu yiri guddoomiye Jeylaanim
Waxa uu intaas kusii daray “Waxaa jooga odayaashii beelaha oo fadhiya, marka waa qandaraas weyn oo ay odayaasha gobolku ka dambeeyaan.”
Jeylaani ayaa si adag uga horyimid tallaabada ay qaadeen ciidanka gadoodsan, isagoo xusay in gaadiidka la xanibay ay yihiin canshuur bixiyaal. “Baabuurka jidka maraya ee canshuurtii bixiyay xaq ay ku lee yihiin ma jiro waa dulmi cad oo lagu sameynayo dad masaakiin ah, haddii xaq ka maqan yahay meeshay ku leeyihiin ha u doonteen, balse in ay muwaadiniin canshuur-bixiyaal ah dulmiyaan waa qalad,” ayuu yiri.
Guddoomiyaha ayaa maamulka ku dhaliilay in uu ku guul-dareystay wax ka qabashadan arrintaan, oo ku dhowaad 10 maalmood ay ciidamo gadoodsan xoog ku haystaan kastamkii canshuuraha ee Xarfo.
“Meeshan waxa ku xanniban baabuur khudaar sida, qaarkood waa banjareen. Waa muwaadiniin canshuur bixiyaal ah oo aysan jirin sabab loo dhibaateeyo. Kan jidka xirtay wuxu khasaarinaya hantidii mushaarkiisa laga biilayay,” ayuu yiri.