Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduud, ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan maamulka Ahlusunna ay si buuxda ula wareegen gacan ku heynta Xarunta Degmada.
Ciidamadaani ayaa ka tirsan maamulka lagu magacaabo Gobolada Dhexe ee Ahlusunna waxa ayna halkaasi ka eryeen ciidamada ilaalada ka ahaa Xarunta Degmada Magaaladaasi.
Ciidamadaani ayaa inta aysan la wareegin xarunta rasaas ooda uga qaaday ciidamadii kale ee ka tirsanaa isla maamulka.
Ciidamada la wareegay xarunta ayaa la sheegay inay ahaayen kuwo gadoodsan islamarkaana aan la siin xuquuqdii ay ku lahaayen Ahlusunna.
Xarunta ayaa waxaa xiliga ay ciidamada la wareegayeen ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsanaa Ahlusunna.
Dhanka kale, Xaalada Magaalada ayaan weli deganeyn,waxaana Xarunta Degmada si buuxda Gacanta ugu haya Ciidanka Gadoodsan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

