Ciidamo ka tirsan kuwa DF oo la qarxiyay + Khasaaraha

Balcad (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, kaas oo lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa lala eegtay kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda oo ka baxay Balcad, waxaana la qarxiyay iyaga oo marayay deegaanka Xawaadley ee gobolkaasi.

Ciidamada laq qarxiyay ayaa kusii jeeday magaalada Jowhar ee caasimada HirShabelle, waxaana qarxan waddada u dhigay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa miino ku dhaawacmay illaa 4 askari oo la socday baabuurka ay haleeshay miinada, kuwaas oo dhaawacyadooda ay horay usii qaadeen ciidamadu.

Sidoo kale waxaa ciidamada dowladda ay howlgallo kooban ka sameeyeen aagga deegaanka Xawaadley oo inta badan dhuumaaleysi ku yimaadaan xubnaha Shabaab.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan qaraxaasi iyo howlgallada xigta, mana cadda natiijada kasoo baxday.

Waddada xiriirisa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa badanaa ka dhaca weeraro kala duwan oo ay soo maleegaan Al-Shabaab oo go’doon gelisay waddadaasi.