Baardheere (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qorsheyneyso inay qaado tallaabooyin dheeraad ah oo ka dhan ah maamulka Axmed Madoobe, kadib markii todobaadkii hore lagu kala baxay aaggii ka furnaa Raaskambooni.
Sida ay ogaatay Caasimada Online, dowladda dhexe ayaa hadda abaabul ciidan iyo dhaq-dhaqaaqyo ka bilowday gobolka Gedo oo ay ka howlgalaan ciidan ka tirsan kuwa xooggga.
Sidoo kale dowladda ayaa saanad milatari ka dajisay degmada Baardheere ee gobolkaasi, taas oo la gaarsiiyay qaar kamid ah ciidamada ku sugan degmadaasi.
Warar kale oo madax banaan ayaa sheegaya in maalmaha soo socda sidoo kale ciidamo dheeraad ah laga dajin doono gobolka, kuwaas oo bilaabi doono guluf ka dhan ah Jubbaland.
Qaar kamid ah degmooyinka gobolka Gedo ayaa hadda laga dareemayaa dhaq-dhaqaaq xoogan, waxaana soconayo abaabul ay iska kaashanayaan dowladda iyo saraakiisha gobolka.
Jubbaland oo ka war heshay dhaq-dhaqaaqan ayaa iyadu soo saartay warsaxaafadeed, waxayna eedeymo culus u jeedisay madaxweyne Xasan Sheekh oo ay tilmaamtay in ciidamada loogu talagalay amniga uu u adeegsanayo siyaasad, si uu qalqal u abuuro.
“Dagmooyinka Gobolka Gedo ayeey Xasan Sheikh Maxamuud iyo kooxdiisa mar kale isku dayayaan in ay ka abuuraan qalalaaso amni taas oo keeni karta in amnigu uu faraha kasii baxo madaama saraakiishii loogu talagalay in ay sugaan amniga loo adeegsanaayo dano siyaasadeed” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay maamulka Jubbaland.
Waxaa kale oo lasii raaciyay “Ciidamadii loogu talagalay in ay ilaaliyaan Nafta, maalka iyo Amniga Shacabka Soomaaliyeed ayaa eedeysane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Kooxdiisa waxa ay u adeegsanayaan in ay ku dumiyaan nidaam dowli ah oo dhisan mana ahan wax uu dastuurka dalka qabo.”.