Ciidamo ka tirsan kuwa DF Soomaaliya oo lagu qarxiyey duleedka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay ciidamo ka tirsan kuwa Booliiska, gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tabaran ee loo yaqaano Haramcad oo marayey halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada la qarxiyey ay ilaalo ka hayeen Injineerada iyo shaqaalaha dhisaya wadada isku xirta labad Muqdisho & Afgooye.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxaasi ay waxyeelo ka soo gaartay ku dhowaad 5 askari, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo muddo kooban hakad galiyey dhaq-dhaqaaqa halkaasi.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidan oo kale qaraxyo loogu weeraray Injineerada & shaqaalaha dhisaya wadadaasi oo muhiim u ah isku socodka gobollada Banaadir & Sh/Hoose