Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo QARAX lala beegsaday + Khasaaraha

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qarax khasaare kala duwan geystay oo ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya lagula beegsaday qaybo ka mid ah degmada Waajid oo ka tirsan gobolka Bakool.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa Arbacadii ka dhacay meel u dhow Ceel ku yaalla degmadaasi, kaas oo ay isticmaalaan ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howl-galka AMISOM.

Ugu yaraan hal askari oo ka trsanaa ciidamada Itoobiya ayaa ku dhintay qaraxan, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, sida uu wakaaladda Anadolu u sheegay Aadan Isaaq oo ka mid ah saraakiisha ammaanka ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Aadan ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in askarta dhaawacantay si deg deg loogula cararay isbitaal, si loo daaweeyo xaaladdooda caafimaad.

“Qaraxa waxaa ku dhintay hal askari oo goobta ku sugnaa. Labada kale ee dhaawaca ah ayaa loo qaaday isbitaalka,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay  Wakaaladda Wararka ee Anadolu.

Dhanka kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay dhinaca taliska AMISOM, gaar ahaan ciidamada Itoobiya oo ku aadan qaraxaas loo dhigay askartooda.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada ciidamada huwanta ee ku sugan gobollada Baay iyo Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya.