Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya oo lagu qarxiyay duleedka Mandera + Khasaaraha

Nairobi (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya Arbacadii lagula eegtay qaybo kamid ah gobolka Waqooyi Bare ee dalkaasi, kaas oo geystay khasaare u badan dhaawac.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay agagaarka magaalada Mandera oo ku taalla xadka ay wadaagaan labada ee Kenya iyo Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa la dhigay waddada dhinaceeda, wuxuuna haleelay gaari gaashaaman oo ay ka socdeen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhaawacmay ugu yaraan 7 askari, kuwaas oo loo qaaday isbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray baabuurka uu qaraxu haleelay oo gebi ku basbeelay goobta qaraxa lagula eegtay.

Ciidamada la qarxiyay ayaa ku soo jeeday dhanka degmada Ceelwaaq, halkaas oo ay fariisimo ku leeyihiin, waxaana la sheegay qaraxa kadib ay rasaas fureen

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka oo ka hadlay weerarkan ayaa xaqiijiyey, waxayna shaaciyeen inay haatan wadaan baaris ku aadan qaxaas oo ay ku eedeeyeen Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan dagan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidamada Kenya la qarxiyay ay socdaalkooda horay usii wateen.

Weerarkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo dhowaan Kenya ay ciidamo badan soo dhoobtay deegaanada u dhow xadka, si ay u sugaan amniga, ugana hortagaan weerarada Shabaab.

Maalmo kahor aheyd markii qarax noocan oo kale ahaa uu ka dhacay duleedka Gaarisa, kaas oo lagu dilay 4 qof oo ay ku jireen injineero ka tirsanaa maamulka Wadooyinka Kenya.