Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Puntland oo asal ahaan ka soo jeeda gobolka Sanaag ayaa si lama filaan ah uga baxay furimihii dagaalka ee Galgala, Afurur iyo Bali-Khadar.
Goobahan ayaa ah kuwo muhiim ah oo ku yaalla buuraha Calmadow, halkaas oo muddooyinkii dambe ay ka jireen howlgallo ciidan. Ciidamadan ayaa hadda gaaray deegaanka Cowsane ee isla gobolka Sanaag.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamadaasi ay sameeyeen gadood, iyagoo sheegay inay tallaabadan u qaadeen si ay uga qeyb qaataan, sida ay hadalka u dhigeen, “xoraynta magaalada Ceerigaabo”.
Waxay sheegeen in magaaladaasi laga barakiciyay dadkii reer Puntland ahaa, taasoo qeyb ka ah sababaha keenay inay ka tagaan furimaha dagaalka ee buuraha.
Mid ka mid ah sababaha keenay gadoodka ciidamada ayaa lagu sheegay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni. Hadalkaas ayaa lagu fasiray mid taageero u ah mowqifka Somaliland ee ku aaddan gooni-isu-taagga, iyadoo aan wax tixgelin ah la siinin dadka reer Puntland ee laga barakiciyay Ceerigaabo.
Ciidamadu waxay aaminsan yihiin in Madaxweyne Deni uu doorbidayo in xaaladda Ceerigaabo lagu xalliyo wada xaajood, halkii dagaal lagu wajihi lahaa. Tani waxay muujineysaa khilaaf u dhexeeya hoggaanka sare ee Puntland iyo ciidamadan ka soo jeeda Sanaag oo doonaya in si adag loola tacaalo arrinta Ceerigaabo.
Dhinaca kale, warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada ay sidoo kale cabasho ka muujiyeen mushaar la’aan iyo ballan-qaadyo dhaqaale oo aan la fulin. Xaaladahaasi waxay qayb weyn ka ahaayeen sababaha horseeday in ay isaga tagaan furimaha dagaalka.
Waxaa hadda socda dadaallo ay wadaan saraakiil iyo masuuliyiin Puntland ka tirsan oo ku howlan qancinta ciidamada si ay ugu laabtaan talisyadoodii hore. Inkastoo weli go’aankoodu u muuqdo mid adag, haddana waxaa socda kulamo lagu raadinayo xal waara oo lagu xallin arrintaan.