Ciidamo si gaar ah u tababaran oo soo gaaray Somalia (Warbixin)

Muqdisho (Caasimada online) 22-Sarkaal oo si wanaagsan u tababaran kana mid ah ciidamada Badda dalka Malta  ayaa soo gaaray qeybo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyagoo u jeedkooda uu yahay sidii gacan u siin lahaayeen Ciidamada howlgalka Atlanta u jooga Xeebaha Soomaaliya.

Ciidamadan oo Saaran Markab dagaal ayaa waxaa hogaaminaya Colonel Ian Ruggier,waxayna soo qaateen Tababar Malitari oo soconayay ku dhawaad 18-bilood,waxaana tababarkaasi gacan weyn ka geystay dowlada Dutchka.

Wargeys ka soo baxa Malta oo lagu Magacaabo Malta Today ayaa wuxuu shaaciyay in Ciidamadan ka socda Malta qeyb ka yihiin howlgalka looga soo horjeeda Burcad badeeda Soomaalida kuwaasi oo ka qowleysta xeebaha Soomaaliya.

Dhamaadka Bishan ayaa ciidamadan waxay gaari doonaan Badda weynta India halkaasi opo ay ka qeyn qaadan doonaan doorkooda kaga aadan ciribtirka Burcad badeeda.

Waxayna ciidamadan si gaar ah ugu soo degteen Ciidamada Jabuuti oo saaxiib ay kala noqonayaan howlgalka Shufta badeeda ka dhanka ah.

Saraakiisha Midowga Yurub ayaa arintaan ku tilmaamay xiriir wanaaga kala dhaxeeya Dowlada Malta oo ah dowlad yar kana go’ay Talyaaniga intiisa kale.

Caasimada online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com