27.9 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Ciidamo Turkish ah oo gaaray XAMAR

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan helnay ayaa sheegaya in shalay Magaaladda Muqdisho loo soo daabulay Ciidamo gaar ah oo ka socda Dowladda Turkiga.

Ciidamadan ayaa yimid ka hor inta uusan soo gaarin Muqdisho Madaxweynaha Dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo magaalada kusoo wajahan.

Madaxtooyada Dalka Turkiga ayaa Xaqiijisay Horaantii bishan in Madaxweynaha Turkiga uu soo boqon Doono Mar kale Magaaladda Muqdisho.

Racep Tayyip Erdogan ayaa soo booqday Soomaaliya Sanadkii 2011kii xiligas oo uu ahaa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Turkiga.

Madaxtooyada Soomaaliya kama aysan hadlin Wararka sheegaya iney Soo gaareen Muqdisho Ciidamo gaar ah oo ka socda Turkiga kuwaas oo loogu talo galay Xaqiijinta Ammaanka Madaxweynaha Turkiga balse waxa ay xaqiijiyeen Immaanshihiisa Caasimadda Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News