25.7 C
Mogadishu
Sunday, February 15, 2026

“Xiligii TALADA xildhibaannada ayaa la joogaa, go’aanka anaga ayaa iska leh”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fadhiye oo kamid ah Mudanayaasha BF Somalia, ayaa sheegay in baarlamaanka uu ku guuleystay fashilinta Wasiiradii uu soo magacaabay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar Cabdirashiid.

Waxa uu sheegay in awooda Baarlamaanka ay xiligaani muuqaneyso, waxa uuna ka digay in Ra’isul wasaare CCC uu dib ula soo laabto shaqsiyaadkii sababta u ahaa fashilkii ku yimid xukuumadii la kala diray.

Sidoo kale, waxa uu tilmaamay in dhowr jeer ay isku dayeen inay xal ka gaaran is fahan waaga, balse Ra’isul wasaaraha uu ka dhego adeegay dhageysiga codsiyada iyo cabashooyinka golaha BF.

“Waxaa lagu jiraa xiligii ay talin lahaayen Xildhibaanada go’aanka anaga ayaa leh, fulintana madaxda sare ayaa leh, waxan mar kale digniin ka bixineynaa in la soo celsho ragii sababta u ahaa fashilka xukuumada” ayuu yiri.

Waxa uu sidoo kale sheegay in go’aanka lagu diiday Xukuumada Ra’isul wasaare Sharmaarke ay tahay mid lagu muujinaayo awoodaha gaarka ah ee Golaha Baarlamaanka, isagoona carabka ku dhuftay in mar labaad ay fashilin doonaan Xukuumada soo socta, waa haddii golaha lagu soo daro shaqsiyaadkii horay ugu fashilmay Wasaaradaha.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa looga fadhiyaa inuu la yimaado Xukuumad cusub oo ka duwan xukuumadii maalmo ka hor ay ka hor imaaden Golaha BF.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News