27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

DAGAAl beeleedyo ka qarxay HIIRAAN

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dagaal xoogan oo Deegaanka Deefoow ee gobalka Hiiraan ku dhexmaray Laba beel oo walaalo ah halkaasi wada dega.

Dagaalka oo ah mid xoogan islamarkaana leysu adeegsanaayo hubka noocyadiisa kala duwan, ayaa waxaa la soo sheegayaa in dagaalka uu ka dhashay Khasaaro nafeed soo kala gaaray labada beel ee uu dagaalka u dhexeeyo.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay ku geeriyoodeen ilaa 11 ka mid ah dhinacyadii dagaalamay, iyadoo dhaawac badan uu jiro.

Waxaa weli halkaasi laga maqlayaa dhawaqa rasaasta xoogan, iyadoo dagaalka sidii uu saaka ku bilawday ka xoogeystay.

Dhanka kale, waxan Ilaa iyo hadda dagaalkaasi ka hadal maamulka Gobolka iyo Odayaasha Deegaankaasi oo iyagu ku dhibqaba dagaalka soo laalabtay.

Dagaalka oo dhowr jeer oo hore u dhacay, ayaa waxa uu ka bilwday dhul beereed lahaanshiyahiisa la’isku qabsaday.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News