28.9 C
Mogadishu
Monday, June 16, 2025

Ismaacil C. Geele oo tagaya Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in safar uu kusoo gaaro magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Warar aan helnay ayaa xaqiijinaya in waqti dhow balse aan la shaacin uu Geelle iman doono Muqdisho, isaga oo la kulmi doona madaxda dowladda Federaalka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa safarkaan hadii uu ku yimaado magaalada Muqdisho waxa uu noqonayaa kiisa Labaad ka dib markii uu magaalada horay u yimid September 16, 2012.

Safarkaan uu ku imaanayo madaxweynaha dalka Jabuuti magaalada Muqdisho ayaa imaanaya xilli sidoo kale magaalada uu kusoo wajahan yahay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Ordugan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News