28 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

“Ma jiro wax maamul Juba ah ee waxaa jira raaskambooniyiin xasuuq wadda”..

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ahna Guddoomiye ku-xigeenka gudiga amniga qaranka iyo arrimaha gudaha ayaa waxa uu ka hadlay Arrimo la xiriira Maamulka KMG ah ee Jubba.

Xildhibaanka waxa uu sharci daro ku sheegay Baarlamaanka la doonaayo in laga yagleelo Kismaayo, kaasi uu yeelan doono Maamulka Jubbaland.

Xildhibaan Jeesow ayaa wax nasiib daro ah ku tilmaamay in Maamulka KMG Jubba uu xili waliba la imaado Mashruucyo aan lasoo marin DF Somalia, taasina waxa uu Tilmaamay in dhaliisheeda ay dusha saaran doonto DF.

Isagoo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Goboladan waxaa heysta jabhadda Raaskaanbooni, mana jiro maamul Jubba la yiraahdo oo ka taliya dhulkaasi Kismaayo” .

Wuxuu sheegay in waxa halkaasi ka jira uu yahay xasuuq iyo dad loo xoog sheeganayo, balse arrintaasi ayuu tilmaamay inay u bidhaamin doonaan Baarlamaanka dalka.

Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yiri “Dadka reer Jubbooyinka ha is gagsadaano, illaahay ayaa nasri idiin dhalin doona”

Dhanka kale, hadalkani ayaa imanaya iyada oo Kismaayo ay ka socoto qabanqaabada dhismaha baarlamaanka Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News