Ciidamo u dabaal dagayay 2013 oo Muqdisho lagu helay (Maxaa qabsaday)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan Kuwa Amisom ayaa qarax lagula eegtay Muqdisho xili ay u dabaal dagayeen Munaasanada Sanadka Cusub ee 2013.

Sadax qarax oo bambaanada gacanta laga tuuro, ayaa lagu weeraray ciidamada oo ku sugnaa Xarunta Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku xaraysan yihiin ciidanka Amisom,waxaana ay ku dhex jireen xafladda xuska 2013, markii weerarka uu dhacayay.

Dad ka agdhow halka uu qaraxa ka dhacay,  ayaa sheegay inay ka war heleen dhawaqa qaraxa wax yar kadib markii uu soo gaarayay dhawaqa Muusiga loogu tala galay damaashaadka 2013.

Ilaa iyo hada lama xaqiijin qasaaraha ka dhashay, Laakiin waxaa jirtay Risaas ay fureen ciidamada Amisom gaar ahaan kuwa Jabuuti.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho