25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Ciidan careysan oo maanta la wareegay xarumo ku yaalla degmada CAABUDWAAQ

Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu warramayaa in barqanimadii maanta ay la waregeen gacan ku heynta xarumo muhiim ah oo ku yaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Ciidamadan oo gadoodsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo labo bil ah, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamadaan oo ka tirsan kuwa Booliska ay qabsadeen maxkamadda Madaniga ee Caabudwaaq iyo saldhigga guud ee degmadaasi.

Tirada ciidamada ayaa waxaa lagu qiyaasay ku dhowaad 100 askari, kuwaas oo ka mid ah askartii la diiwan galiyey sanadkii la soo dhaafay ee 2019-kii.

Xaaladda ayaa kacsan, iyadoo dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo halkaasi, balse waxaa hadda bilowday dadaallo lagu qanciyo ciidamadaas oo ay wadaan waxgaradka deegaanka.

Dhinaca kale weli ma jiro weli wax hadal oo ka soo baxay saraakiisha Galmudug iyo kuwa dowladda, kuna aadan cabashada ciidamadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee ciidamada ayaa alaaba gadood sameeya, marka ay waayan xuquudooda dhanka mushaarka ah, taas oo ka mid ah caqabadaha weli heysta dowladda Soomaaliya oo dhowaan sameysay diiwaangelin casri ah.

- Advertisement -

Read more

Local News