23.6 C
Mogadishu
Monday, January 5, 2026

Ciidanka Danab oo Jilib ka soo qabtay xubno Shabaab ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa howlgal qorsheysan oo ay xalay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ay ka sameeyeen gudaha degmada Jilib ee xarunta gobolka Jubbada Dhexe oo ah fadhiga ugu wayn ee Al-Shabaab.

Bayaan kasoo bxay Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa lagu faah-faahiyay qaabka uu u dhacay howlgaka oo si weyn loo qorsheeyay, laguna guuleystay in lagu beegsado xubno ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Sida lagu sheegay qoraalka waxaa howlgalkan ay ciidamadu kusoo qabteen 8 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta, iyada oo sidoo kale la dilay 15 kale.

“Hawlgalka ayaa lagu dilay 15 dhagarqabe, halka siddeed kale gacanta lagu dhigay. Hawlgalka oo la fuliyay xilliga habeenkii ayaa muujiyay kororka awoodda hawlgal ee Ciidamada Xoogga Dalka, gaar ahaan adeegsiga gaadiidka cirka si loo ballaariyo hawlgallada, laguna gaaro cadowga goob kasta iyo waqti kasta” ayaa lagu yiri qoraalka Wasaaradda Gaashaandhigga.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeedka lagu boggaadiyay geesinimada, kartida, iyo heeganka Ciidanka Xoogga, maadaama ay guda u galeen Al-Shabaab, ayna u gaysteen khasaare culus.

Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo habeen hore ka dhacay isla Jilib, laguna soo dilay laba horjooge oo halis ahaa, kana mid ah hoggaamiyeyaasha sar sare ee kooxda, kuwaas wakiil ka ahaa amniga gudaha iyo dibadda.

Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo shalay la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay magacyada labada horjooge ee lagu dilay weerarkaas oo ay qaadeen ciidamada NISA iyo saaxibada caalamiga ah “Bartilmaameedyadaas waxaa lagu dilay Injineer Cabdullahi Cismaan Maxamed Abuukar oo loo yaqaanay Injineer Ismaaciil iyo Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex)”. ayuu yiri Fiqi.

Horjooge Injineer Ismaaciil, wuxuu  ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha guud ee kooxda Al-Shabaab, iyada oo loo diyaarinayay inuu beddalo Axmed Diiriye. Sidoo kale wuxuu kasoo shaqeeyay qaybta warbaahinta, waxaa kale uu madax kasoo noqday xafiisyada hubka, qaraxyada iyo maktabka guud ee amniyaadka Al-Shabaab, sida uu sheegay wasiirku.

Ninka labaad oo ah Cabdikariin Maxamed Xirsi (Qoorleex) ayaa qaabilsanaa howlgallada dibadda ee kooxda Al-Shabaab, isaga oo weeraro ka fuliyay dalalka dariska, gaar ahaan Kenya oo ay inta badan beegsadaan Al-Shabaab.

- Advertisement -

Read more

Local News