25.9 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Ciidanka DF iyo deegaanka oo kasoo baxay deegaanka Aboorey kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledweyne (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa xaq-u-dirirka deegaanka ay dib uga soo baxeen deegaanka Abuurey, kadib maalmo ay dagaallo kula galeen Al-Shabaab.

Ciidamada ayaa dib uga soo gurtay magaalada, waxayna kasoo baxeen dhammaan saldhigyadii iyo difaacyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen Abuurey oo ah deegaan istaraatiiji ah oo hoostaga Buulo-burde.

Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka oo ku aadan sababta ka dambeysay in ciidamada ay kasoo baxaan deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana arrintan ay kusoo aadeysaa, iyada oo muddo ka badan laba todobaad ay labada dhinac ku dagaalamayeen gacan ku heynta deegaanka.

Kooxda ayaa awoodeeda isugu gaysay difaacasha deegaankan, waxaana dhinaca kale ciidamada huwanta caqabad wayn ku noqotay hoos u dhaca taageerada cirka ah, taas oo sii dheereysay dagaalka ka socda halkaasi.

Duqeymaha laga gaabiyay ayaa Al-Shabaab fursad u siiyey inay dagaalamaan oo weliba si aan horay loo arag ay jilibka u dhigtaan, sidoo kale waxaa u soo gurmanayo ciidamo xoog leh oo ka soo gudbayey galbeedka gobolka Hiiraan.

Deegaanka Aboorey ayaa muhiim u ah isku socodka kooxda ee gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Galmudug, halkaas oo dagaalamayaal kale ay uga go’doonsan yihiin, waxayna markaan isku dayeen Al-Shabaab inay iska dhiciyaan oo dagaalka uga adkaadaan Xawaadle iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee aaggaas jooga.

Dib u gurashadan ayaa sidoo kale kusoo aadeyso, iyada oo weli Khawaarijta ay isku fidineyso deegaannada HirShabelle, waxaana u dambeysay maanta oo ay weerar dhowr jiho ah ku qaaday degmada qadiimiga ah ee Aadan ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News