Washington (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan Mareykanka uu ka fakirayo qorshe xasaasi ah oo lagu xirayo u dhowaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo uu ku leeyahay qaar kamid ah waddamada caalamka, waxaana sidoo kale qayb ka ah qorshahan awood dhimis lagu sameynayo safaaradda Washington ee Muqdisho.
Sida laga xigtay dhukumintiyo ay heshay CNN, isla markaana ay diyaarisay Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, waxaana socda qorshaha lagu xirayo 30-ka safaaradood.
Dukumintiyada ay aragtay CNN ayaa waxaa ku xusan in safaaradaha uu saameynayo go’aankan ay ku kala yaallaan Yurub, Asia, Afrika iyo Kariibiyaanka.
“Dukumintigu wuxuu soo jeedinayaa in la xidho 10 safaaradood iyo 17 qunsuliyadood. Qaar badan oo ka mid ah waxay ku yaallaan Yurub iyo Afrika, balse waxaa sidoo kale ku jira kuwa ku yaalla Aasiya iyo Kariibiyaanka”, ayaa lagu yiri warbixinya.
Waxaa sidoo kale la sii raaciyay “Waxaa ka mid ah safaaradaha ku yaalla Malta, Luxembourg, Lesotho, Jamhuuriyadda Kongo, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, iyo Koonfurta Suudaan,”.
Dhanka kale waxaa jirta qorshe kale oo lagu dhimmayo awoodaha safaaradaha Mareykanka ee ku yaalla dalalka Soomaaliya iyo Ciraaq, sida ay sheegeyso xogta ay baahisay warbaahinta CNN.
Warbixinnada hordhaca ah ayaa muujinayo in labada safaaradooda la soo koobayo howlahooda, lagana dhigi doono xafiisyo yaryar oo shaqada sii qabta. Soomaaliya iyo Ciraaq ayaa ah ah laba waddan oo laga fuliyo howlgallada Maraykanka ee argagixisada.
Tallaabadan ayaa lasoo warinayaa inay qayb ka tahay qorshaha maamulka Trump ku yaraynayo kharashaadka dowladda, isaga oo horay u qaatay go’aanno xasaasi ah oo saameeyay shaqaalo iyo hay’ado kala duwan oo Mareykan ah.
Qorshaha miisaaniyadda ee sanadka 2026, oo lagu faahfaahiyay dokumenti ay heshay POLITICO, ayaa muujinaya in ku dhawaad 50% la dhimayo miisaaniyadda Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo USAID. Arrintan ayaa ka mid ah dhimista uu dalbaday Xafiiska Maamulka iyo Miisaaniyadda Aqalka Cad (OMB), iyadoo sidoo kale la qorsheynayo in gebi ahaanba la burburiyo USAID, barnaamijyadeedana lagu daro Wasaaradda Arrimaha Dibedda.
Marka laga soo tago xiritaanka suuragalka ah ee xarumaha diblomaasiyadeed, qorshahan ayaa sidoo kale qeexaya in gebi ahaan ama qayb weyn la baabi’iyo barnaamijyo badan oo muhiim u ahaa siyaasadda arrimaha dibadda ee Mareykanka. Barnaamijyadan waxaa kamid ah kuwa dhiirrigeliya dimuqraadiyadda, taageera is-weydaarsiga waxbarashada iyo dhaqanka, taageera hay’adaha caalamiga ah, dagaalka ka dhanka ah daroogada, iyo xal u helidda arrimaha caafimaadka ee caalamiga ah.
Barnaamijyada sida gaarka ah loo bartilmaameedsaday waxaa kamid ah Sanduuqa Qaranka ee Dimoqraadiyadda (National Endowment for Democracy), Xarunta Bariga-Galbeedka (East-West Center), iyo Hay’adda Aasiya (Asia Foundation), kuwaas oo dhammaantood gebi ahaanba la joojin doono dhaqaalaha loo qoondeeyo. Sidoo kale, barnaamijka Caalamiga ah ee La-dagaallanka Maandooriyaha iyo Dhaqan-gelinta Sharciga (International Narcotics Control & Law Enforcement), oo horey loo siin jiray lacag ka badan $1 bilyan ayaa gebi ahaanba la joojin doonaa.