Muxuu yahay qorshaha Imaaraadka ee raadaarka uu ku rakibay Boosaaso?

Boosaaso (Caasimada Online) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Imaaraadka Carabta ay nidaam raadaar oo casri ah geysay gobollada waqooyi-bari Soomaaliya, gaar ahaan Xarunta Taliska Ciidanka Badda Puntland oo ku teedsan Saldhigga Cirka ee Boosaaso, kaasoo uu Imaaraadku maamulo.

Nidaamkan la tilmaamayo waa Raadaarka ELM-2084 ee Israel samaysay, kaasoo ah qalab casri ah oo saddex-geesood (3D) ah, adeegsadana farsamada iskaanka elektaroonigga ah ee firfircoon (AESA), looguna talagalay hawlo badan sida dabagalka hawada iyo madaafiicda, iyo sidoo kale la socodka gantaalaha iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones).

Haddaba muxuu yahay qorshaha Imaaraadka?

Goobta istiraatiijiga ah ee Puntland ay kaga taallo meel u dhow Gacanka Cadmeed, oo ah marin ciriiri ah oo ay maraan maraakiibta caalamiga ah ee isticmaala Kanaalka Suweys, ayaa ka dhigaysa rakibidda raadaarkan mid si gaar ah muhiim u ah.

Gacanka Cadmeed waxaa mara qiyaastii 12 boqolkiiba ganacsiga adduunka iyo 30 boqolkiiba gaadiidka konteenarada, sida ay sheegtay Hay’adda Badaha Adduunka (IMO). Khataraha sida burcad-badeednimada, oo aafeysay gobolka dabayaaqadii 2000-meeyadii, iyo weerarradii dhowaanahan ee fallaagada Xuutiyiinta Yemen ay ku qaadeen maraakiibta Badda Cas, ayaa hoosta ka xarriiqaya sida uu aaggu u nugul yahay.

Imaaraadka Carabta, oo ah dhinac muhiim ah oo ka shaqeeya amniga gobolka, ayaa maamulayay Saldhigga Cirka ee Boosaaso tan iyo 2017, markii hore si ay u tababaraan ciidanka badda Puntland iyo la dagaallanka burcad-badeedda. Ku daridda raadaarka ELM-2084 waxay soo jeedinaysaa ujeeddo ama hawl ka ballaaran tii hore.

Waxaa laga yaabaa inuu xoojiyo dabagalka dhaqdhaqaaqa badaha iyo hawada, isagoo suurtagal ahaan la socon karo khataraha ka iman kara diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ama gantaalaha Xuutiyiinta, inkastoo inta uu gaaro aagga hawlgalka ee kooxdaas uu ka baxsan yahay masaafada raadaarku gaari karo isagoo Boosaaso yaalla.

Taas beddelkeeda, nidaamkan waxaa laga yaabaa inuu qayb ka noqon karo shabakad sirdoon oo ballaaran, isagoo la soconaya dhaqdhaqaaqa agabka ama ciidamada quwadaha xafiiltanka kala dhexeeyo – sida maraakiibta dagaalka, diyaaradaha, ama xitaa maraakiibta ganacsiga – ee marinkan muhiimka ah.

Geeska Afrika wuxuu noqday garoon loolan juquraafi-siyaasadeed, iyadoo Imaaraadka ay kula tartamayaan dalalka Turkiga, Qatar, Shiinaha, iyo kuwa Reer Galbeedka oo dhan oo ku loollamaya saamaynta gobolka.

Maalgashiyada Imaaraadka ee dekedaha sida Berbera ee Somaliland iyo joogitaankooda militari ee la soo sheegay ee Yemen ayaa ka tarjumaya istiraatiijiyad lagu doonayo in lagu sugo awoodda xakamaynta badaha.

Soomaaliya gudaheeda, Turkigu wuxuu yeeshay saldhigasho muuqata, isagoo ka shaqeeya saldhig militari oo Muqdisho ku yaal, kuna tababara ciidamada Soomaaliya. Dhanka kale, Qatar waxay xiriir la leedahay dhinacyo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, taasoo hoos u dhigaysa ama cakiraysa xiriirka Imaaraadka kala dhexeeya Muqdisho.

La-macaamilka Imaaraadka ee Puntland

Rakibidda raadaarka ee Puntland, halkii laga keeni lahaa dhulka Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa muujinaysa xiisadaha u dhexeeya maamul-goboleedka Puntland iyo Dowladda Dhexe ee Muqdisho. Puntland waxay muddo dheer raadinaysay awoodo madax-bannaani oo dheeraad ah, xiriirka tooska ah ee Imaaraadka la leeyahay hoggaanka Puntland ayaa laga yaabaa inay muujiso taageero aan toos ahayn oo loo hayo ismaamulkaas.

Dhaqdhaqaaqan wuxuu milicsinayaa dhacdooyin taariikhi ah oo soo maray gobolka, halkaas oo quwadaha shisheeye ay taageeri jireen kooxaha maxalliga ah si ay u horumariyaan danahooda gaarka ah, sida la arkayay xilligii Dagaalkii Qaboobaa markaasoo Maraykanka iyo Midowgii Soofiyeeti ay ku loollamayeen gacan ku haynta dekedaha Soomaaliya.

Doorashada raadaar ay samaysay Israel waxay sidoo kale leedahay macno dheeri ah. Imaaraadka iyo Israel waxay ku rasmiyeeyeen xiriirkooda Heshiisyadii Abraham ee 2020, taasoo kobcisay iskaashiga dhinacyada difaaca iyo farsamada. Rakibidda ELM-2084 waxay astaan u noqon kartaa iskaashigan, iyadoo muujinaysa helitaanka Imaaraadka ee nidaamyada farsamada sare ee Israel.

Maxalli ahaan, joogitaanka raadaarku wuxuu saamayn ku yeelan karaa xaaladda amniga ee Puntland. Gobolku wuxuu wajahayaa caqabado isdaba joog ah oo kaga imaanaya al-Shabaab, kooxda xiriirka la leh al-Qaacida ee ka firfircoon guud ahaan Soomaaliya, iyo farac yar balse sii xoogaysanaya oo ka tirsan ururka ISIS/Daacish.

Warbixinno dhowaan soo baxay, oo ay ku jirto baaritaan uu Washington Post sameeyay Febraayo 2025, ayaa lagu sheegay in ciidamada Puntland ay la dagaallamayaan maleeshiyaadka Daacish ee Buuraha Cal Miskaat, iyadoo in ka badan 150 dagaalyahan lagu dilay howlgal socday muddo bil ah. Raadaarka ELM-2084 wuxuu taageeri karaa dadaalladaas isagoo la socda weerarrada diyaaradaha drones-ka ama madaafiicda hoobiyaha, kuwaasoo labada kooxoodba ay adeegsadeen.

Si kastaba ha ahaatee, saldhigyada militariga shisheeye waxay inta badan kicin karaan gadood ama caro maxalli ah. Puntland, halkaasoo bulshooyinka kalluumaysatada ee ku nool biyaha xeebaha, hawlgallada Imaaraadka ee Boosaaso ay kiciyeen dibadbaxyo salka ku haya xannibaadda loo geystay helitaanka biyahaas, sida lagu xusay warbixin ay Kooxda Caalamiga ah ee Xasaradaha (ICG) soo saartay 2019. Rakibidda raadaarku waxay sii hurin kartaa xiisadahan, gaar ahaan haddii dadka deegaanku ay u arkaan inuu mudnaanta siinayo danaha shisheeye marka loo eego kuwa dadka deegaanka.

Dhaqaale ahaan, hawlaha Imaaraadka ee Puntland waxay ka ballaaran yihiin amniga. Shirkadda Imaaraadka ee DP World waxay maalgashi xoog leh ku samaysay dekedda Boosaaso, iyadoo higsanaysa inay ka dhigto xarun ganacsi oo gobolka ah.

Raadaarku wuxuu ilaalin karo maalgashiyadaas isagoo ka warqaba khataraha soo wajaha maraakiibta ama kaabayaasha dhaqaalaha, taasoo la jaanqaadaysa aragtida Imaaraadka ee ah isku-xirka awoodda militari iyo tan ganacsiga. Tani waxay la mid tahay tusaalooyin taariikheed, sida xukunkii Ingiriiska ee Cadan qarnigii 19-aad ee lagu sugayay waddooyinka ganacsiga ee Hindiya.

Hase yeeshee, doorka raadaarku waxaa sidoo kale ku jiri kara tababaridda ciidamada Puntland, iyadoo suurtagal ah in la wareejiyo aqoonta farsamo. Gobol ahaan, rakibidda raadaarku waxay saamayn ku yeelan karo dalalka deriska la ah Soomaaliya. Jabuuti, oo ay ku yaalliin saldhigyo Maraykan, Shiineys, iyo Faransiis ah, waxay ku tiirsan tahay xasilloonida Gacanka Cadmeed dhaqaalaheeda ku tiirsan dekedda.

Itoobiya, oo iyaduna leh xiisado u gaar ah oo ku saabsan helitaanka Badda Cas, ayaa laga yaabaa inay u aragto tallaabadan mid sii murjinaysa xisaabteeda istiraatiijiyadeed. Yemen, oo ay ka aloosan tahay colaad ay kula jirto Xuutiyiinta, waxay ku taal dhinaca kale ee gacanka, laakiin fogaanta uu raadaarku gaari karo ayaa xaddidaysa saamayntiisa tooska ah ee halkaas.

Weli, nidaamku wuxuu xog sirdoon siin karo hawlgallada Imaaraadka ama xulafadiisa ee ka socda Yemen, sida lagu qiyaasay qoraallo lagu daabacay baraha bulshada ee X, inkastoo sheegashooyinkaasi aysan lahayn caddayn rasmi ah.

Rakibista raadaarku waxaa kale oo laga yaabaa inuu ku dhiirrigeliyo Turkiga ama Qatar inay sii qoto dheereeyaan hawlahooda Soomaaliya, taasoo sii xoojinaysa tartanka wakiilnimada ee gobolka.

Taariikh ahaan, faragelintii shisheeye ee Geeska Afrika – sida duullaankii Itoobiya ee Maraykanku taageerayay ee Soomaaliya sanadkii 2006 – waxay sii hurisay xasillooni darrida, taasoo ah cashar ka muuqda ama dul hoganaya rakibidda raadaarkan. Taariikhda hawlgelineed ee ELM-2084 waxay bixinaysaa tilmaamo ku saabsan saamayntiisa suurtagalka ah.

Sidoo kale, joogitaanka raadaarku wuxuu soo jiidan kara dareenka Shiinaha, oo saldhiggiisa Jabuuti uu ka ilaaliyo isla marinnada badaha ee muhiimka ah. Iyadoo Imaaraadku sii xoojinayo danihiisa istiraatiijiyadeed ee Geeska Afrika, rakibidda raadaarka ELM-2084 waxay keenaysaa in laga baaraan dego isu-dheellitirka u dhexeeya amniga iyo xasilloonida. Waxay xoojinaysaa awoodda difaac ee Puntland iyo saamaynta Imaaraadka ee gobolka, waxaana suurtagal ah inay ka hortagto khataraha ku wajahan marinnada badaha ee muhiimka ah.

Laakiin sidoo kale waxay halis gelinaysaa inay sii huriso cabashooyinka maxalliga ah iyo loollanka juquraafi-siyaasadeed, taasoo dib u soo celin karta xusuusta faragelintii hore ee Soomaaliya ku reebtay xasillooni darrida. Awoodaha raadaarkan – sida la socodka diyaaradaha drones-ka, gantaalaha, ama maraakiibta – waa kuwo aan la inkiri karin, hase yeeshee saamayntiisa dhabta ah waxay ku xirnaan doontaa qaabka uu Imaaraadku u adeegsado.

Waqtiga la geeyay raadaarkan ayaa ah mid shaki dhaliyay ama soo jiidanaya dareenka. Geeska Afrika waxaa ka jiray xiisado sii kordhayey, iyadoo heshiiskii dekedda ee Itoobiya la gashay Somaliland uu xumeeyay xiriirka kala dhexeeya Soomaaliya.

Dhanka kale, weerarrada Xuutiyiinta ee maraakiibta Badda Cas, oo uu cambaareeyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay bishii Janaayo 2025, ayaa hakad geliyey ganacsigii caalamiga ahaa. Imaaraadka, oo xubin ka ah isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee ka hortagaya weerarradan, ayaa laga yaabaa inay u aragto raadaarka tallaabo taxaddar ah, inkastoo doorkiisa rasmiga ah uu weli yahay mid aan la hubin ama qiyaas ah.

Rakibidda nidaamka ee Puntland, halkii laga geyn lahaa saldhig Imaaraadku leeyahay sida Al Dhafra, waxay muujinaysaa tallaabo istiraatiiji ah oo hore loogu socdo, taasoo suurtagal ah in loogu talagalay ururinta sirdoon waqtiga-dhabta ah ama ka hortagga dhaqdhaqaaqyada dhinacyada kale ee gobolka.

Aamusnaanta Imaaraadka ee arrintan, oo barbar socota xaqiijin la sheegay inay ka timid Puntland oo loo mariyay suxufiyiinta maxalliga ah (sida lagu baahiyay barta OSINT Warfare ee X), ayaa sii hurinaysa doodda ku saabsan ujeeddooyinka ka dambeeya tallaabadan.

Marka la eego sawirka guud, raadaarku wuxuu hoosta ka xarriiqayaa horumarka Imaaraadka ee ku aaddan inay u soo baxdo quwad goboleed. Mar ay diiradda saarayeen ballaarinta ilaha dhaqaalaha, Imaaraadku hadda waxay dhisteen awood militari oo la taaban karo, iyagoo maalgashi ku sameeyay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, difaacyada hawada, iyo hadda nidaamyo raadaar oo casri ah.

Iskaashigooda Israel, oo sii xoogeystay kaddib Heshiisyadii Abraham, ayaa siinaya helitaan tiknoolajiyad aysan haysan dalalka ay xafiiltamaan sida Qatar ama Turkiga. Hase yeeshee, cudud muujintan ama damacan is ballaarinta ahi wuxuu leeyahay khataro u gaar ah.

Soomaaliya gudaheeda, faragelinta shisheeye waxay leedahay taariikh murugsan oo dhib badan, laga soo bilaabo dhacdadii Black Hawk Down ee 1993 ilaa hawlgalka Midowga Afrika ee socda (ATMIS) ee ka dhanka ah al-Shabaab. Isbahaysiga Imaaraadka ee Puntland wuxuu ka sii fogeyn karaa Muqdisho, isagoo carqaladeyn kara diblomaasiyaddooda goboleed.

Ma yahay qalab xasilloonida loogu talagalay, oo lagu ilaalinayo ganacsiga, lagulana dagaallamayo argagixisada? Mise wuxuu muujinayaa ajande ka dhiirran, oo Imaaraadka ka dhigaya mid xakameeya marinka Gacanka Cadmeed? Waqtiga oo kaliya ayaa caddayn doona su’aalahan, laakiin hadda, imaatinka raadaarkani wuxuu billaabayaa bog cusub oo ka mid ah dhacdooyinka isku rarman ee Geeska Afrika.