Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xooggaga Kacdoonka Shacabka (Macawisley) ayaa si rasmi ah ula wareegay deeganka Cowswayne ee gobolka Galgaduud, sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya.
Cowswayne ayaa ah deegaan muhiim ah oo dagaal-yahaanada kooxda Al-Shabaab u ahayd goob ay ka difaacaan degmada Ceelbuur, taasi oo uu ku wajahan yahay duulaan culus, si looga xoreeyo kooxda.
Dagaal-yahaanada Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaankaasi ayaa iskaga cararay kadib markii ay ogaadeen in awoodda ciidanka qaranka aysan u babac dhigi karin, sida lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowladda.
Taliyaha Guutada 18-aad ee Kumaandooska gorgor Gaashaanle Saahid Jaamac Faarax oo howl-galka hoggaaminaya ayaa warbaahinta dowladda u xaqiijiyey in Cowsweyne iyo tuulooyin kale si buuxda gacanta loogu dhigay.
Shalay ayay aheyd markii ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ay dagaal kula wareegeen magaalada Waxbo ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo aad muhiim u ah, kuna taala meel istaraatiiji ah.
Ciidamada Qaranka iyo dad deegaankaee iskaashanaya ayaa sidoo kale la wareegay deegaano ballaaran oo ay ka mid yihiin Jaaw, Daadaale iyo Goobo kale oo Galgaduud ka tirsan.
Deegaanadan ayay ciidamada ka sifeyeen kooxda Al-Shabaab, waxaan hadda gacanta ku haya ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka. Waana qeyb kamid ah howl-gallada sifeynta ah ee ka socda deegaannada ka tirsan Galmudug.
Kooxda Al-Shabaab ayaa wajahaya dagaallo dhulka iyo cirka ah oo ay fulinayaan ciidamada huwanta, waxaana ciidamada ay kooxda ka sifaynayaan dhulka howdka ah ee dhaca bariga gobolka Galgaduud, halkaas oo ay ciidanka xoogga ku burburiyeen fariisimo ay Shabaab ku lahaayeen.
Howl-galladaan ayaa imaanaya xilli ciidamo aad u badan toddobaadyadii ugu dambeeyay lagu aruurinayay magaalada Dhuusamareeb ay jihada bari kaga dhaqaaqeen magaalada Ceelbuur.