28.4 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Ciidamada Itoobiya iyo Al-Shabaab oo dagaal culus uu ku dhex-maray gobolka Baay

Bookmark
Bookmarked

Share

Diinsoor (Caasimada Online) – Warar ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeyay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo xalay ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Baay, kaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig ay ku sugnaayeen ciidamada Itoobiya, waxaana kadib xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay xoogagii weerarka qaaday iyo ciidamada Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa innoo sheegay in dagaalka uu qaatay in ka badan saacad, isla markaana la’isku adeegsaday hub culus, kaas oo dhaliyay khasaare aad u badan oo soo kala gaaray labada dhinac.

Al-Shabaab oo war kasoo saartay dagaalkan waxa ay sheegtay in dishay askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, balse ma shaacin tirada inta ay la’egtahay.

Dhankooda  ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay iska difaaceen weerarka uga yimid kooxda Al-Shabaab, waxaana kadib ay sameeyeen howlgallo kooban.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in saaka ciidamada Itoobiya ay ka baxeen saldhiggooda, iyaga oo kadib howlgallo ka sameeyay aagga degmada Diinsoor ee gobolka Baay.

Illaa iyo hadda ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalkan, marka laga tego sheegashada labada dhinac ee ku aadan weerarka iyo iska horimaadka xigay.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobaha lagu dagaalamay ku sugan ciidamada Itoobiya iyo kuwa Xoogga dalka oo haatan dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Diinsoor ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyay weeraro ku hayay Al-Shabaab oo todobaadyadii lasoo dhaafay beegsatay saldhigyo ay degmadaas ku leeyihiin ciidanka Itoobiya ee qayta ka ah AUSSOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee jooga halkaasi.

Inta badan gobollo Baay iyo Bakool ayaa waxaa ka dhaca dagaallo iyo weeraro toos ah oo ay gaystaan maleeshiyada Khawaarijta oo go’doomin ku haya degaanada Koonfur Galbeed.

- Advertisement -

Read more

Local News