Boosaaso (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal guuleystay oo ay maanta ciidamada difaaca Puntland ay ka sameeyeen aagga buuraha Calmiskaad, kaas oo lagu qabtay gaari sahay u waday maleeshiyaadka kooxda Daacish.
Gaariga oo siday raashin uu ka qaaday magaalada Boosaaso ayaa ciidamadu ay ku qabteen deegaanka Biyo Kulule, halkaas oo ay weli ka socdaan howlgallo culus.
Sidoo kale ciidamada ayaa soo xiray laba nin oo la socotay baabuurka, kuwaas oo ay baaritaanno ku socdaan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland.
Taliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in dadaalkooda ay sii wadi doonaan, isla markaana ay howlgalladu ay yihiin kuwo cir iyo dhul ah oo lagu cuuryaaminayo Daacish.
“Ciidanku waxay qabteen, gaari Raashin waday iyo labadii nin ee watay, waxay Raashin ka qaadeen BOSASO, waxana lagu qabtay iyagoo usii wada CALMISKAAD baaritaan! Hawlgalku waa Cir, Dhul iyo dadka deegaanka oo bararugsan” ayaa lagu yiri qoraalka.
Howlgalladan waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay saaxibada caalamiga ah ka fuliyaan deegaannada la tuhunsan yahay inay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Daacish.
Ujeedka ugu wayn ee weerarada cirka ah ayaa ah kuwa lagu taageerayo ciidamada difaaca Puntland ee haatan howlgallada culus ka adag aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari.
Si kastaba, Guulaha laga gaaray howl-galka Hillaac ayaa la sheegay inay yihiin kuwa si buuxda u wiiqay awooddii ururka Daacish ee gobolka, inkasta oo weli loo baahanyahay feejignaan dheeri ah oo ku wajahan ragga firxadka ah iyo isku daygooda ah inay dib usoo abaabulaan.