28.9 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Goob uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Faahiye oo la weeraray – Maxaa dhacay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Puntland ayaa maanta weerar dhowr jiho ah ku qaaday goob ay ku sugnaayeen maleeshiyaad iyo hogaamiyeyaal sar sare oo ka tirsan kooxda Daacish, halkaas oo lasoo wariyay in lagu gaarsiiyay khasaare culus.

Ciidamada Difaaca ayaa duulaanka ku qaaday aagga Ceelka Il-abbal ee buuraleeyda Cal-miskaad oo ay ku dhuumaaleysanayaan hogaamiyeyaal sar sare iyo ilaaladooda.

Sidoo kale, wararka ayaa intaasi kusii daraya in goobta la weeraray uu ku sugan yahay Cabdiraxmaan Faahiye oo kamid ah ragga ugu sarreeya Daacishta Soomaaliya, waxaana sidoo kale kula sugan goobta lagu beegsaday laba horjooge kale, oo iyana lagu raad joogo.

Weerarkan ayaa xog badan laga helin, maadaama weli ciidamadu ay wadaan howlgalkooda, waxaana ujeedka uu yahay in dhulkaas laga xoreeyay argagixisada.

Howlgalkan oo cir iyo dhul ah ayaa waxaa sidoo kale ka qayb-qaadanaya saaxibada caalamiga ah oo iyana duqeyn ku garaacaya godadka ay ku dhuumaaleysanayeen xubnaha Daacish

Sidoo kale, ciidamada howlgalka wada ayaa dul-tegay maydadka xubno Daacish oo qalalay, isla markaana looga tegay godad ku yaalla buuraha hoostooda, sida ay shaacisay Puntland oo warsaxaafadeed soo saartay.

“Maydadka Argagixisada Daacish ee lagu laayay Hawlgalka Calmiskaad, ayaa loogu tegay Godadka iyagoo qalalay, ciidanka ayaa weli sifeynaya Firxadka” ayaa lagu yiri qoraalka.

Dagaalka Puntland oo maraya wajigiisa saddexaad ayaa haatan lasii xoojiyay, waxaana dhawaan maamulka uu sheegay inuu u baahan yahay in lagu garab istaago howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagixisada ee ka socda dhulka buuraleyda ah ee Calmiskaad.

- Advertisement -

Read more

Local News