Ciidanka xoogga oo fashiliyey qorshe ay Al-Shabaab ka damacsanaayeen Hiiraan

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidanka Xoogga Dalka iyo xoogaga deegaanka ee Macawiisleyda ayaa fashiliyay isku day ay maleeshiyada Al-Shabaab ku doonayeen inay ku gooyaan waddada xiriirisa Degmooyinka Beledweyne iyo Buulo Burde ee Gobolka Hiiraan, oo dhawaan uun la furay.

Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa Axaddii weerar u muuqday mid si weyn loo soo qorsheeyay ku ekeeyay fariisimihii ciidamadu ku lahaayeen deegaanka Jicibow, oo 30km dhanka waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, halkaas oo uu ku dhex maray dagaal saacado badan qaatay, ugu dambayna lagu fashiliyay duulaankoodii.

Wasiirka Amniga HirShabelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa sheegay in qorshaha Shabaabku ahaa inay cagta mariyaan ciidamadii halkaasi ku sugnaa, ka dibna ay gooyaan waddada Beledweyne iyo Buulo Burde.

“Waxay nimankan argagixisada ah ee Al Shabaab soo buux-dhaafiyeen jiinka webiga ee dhanka tuulada Jicibow, oo 30km waqooyi kaga beegan Degmada Buulo Burde, halkaasi waaberigii ciidankii amniga iyo ciidankii deegaanka ee ku sugnaa iyo ayagii oo soo buux-dhaafiyay webiga jiinkiisa iyo dhulkaasi oo dhan ay is fara-saareen, oo qorshahooduna ahaa in ciidamada meeshaasi jooggo ay burburiyaan, ka dibna ay soo galaan Buulo Burde iyo deegaanada hoos yimaada, si loo kala gooyo isu socodkii Buulo Burde iyo Beledweyne oo dib u soo laabtay,” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka oo BBC la hadlayay ayaa yiri “Dagaalka waxaa markii dambe ku biiray oo gurmad u noqday ciidamo ka kala baxay Buulo Burde iyo Yasooman oo deegaanka tegay, ciidamadaas oo iska caabin xoogan kala kulmay nimankii argagixisada ahaa markii koowaad, markii dambena waxaa Ilaahay mahadiis ah u suurtagashay in la jiiro, oo nimankaasi cadowga ah si la yaab leh loo burburiyay difaacii ay sameysteen, firxadkoodiina qayb ka mida webigaa qaaday, qaybna meel buur ah ayay isu uruursadeen.”

Wasiirka ayaa muujiyay in waddada keliya ee u furan Shabaabka buurta saaran ay tahay inay isa soo dhiibaan, haddii kalena la soo afjari doono.

“Insha’Allah, intaasi dhiman waa la soo afjari doonnaa, haddii aysan is dhiibin, illaa iyo subaxnimada maanta ah,” ayuu yiri Wasiirku.

Mar wax laga weydiiyay khasaaraha ka dhashay dagaalka ayaa waxa uu ku jawaabay “Khasaaraha xageena waxaa ka shahiiday Sarkaal iyo laba askari, oo midna yahay ciidamada deegaanka, midna yahay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, shuhaddaas saddexda ah iyo dhaawacyo aan saas u badnayn, laakiin khasaaraha xagooda gaaray aad ayuu u badan yahay. Khasaare aan la soo koobi karin weeye, qayb ka mida meydadkoodii webiga ayaa qaaday, waan u soo bandhigi doonnaa Warbaahinta jabka xoogan ee dhimashada ah ee gaaray nimankan cadowga ah.”

Mintidiinta Al-Shabaab ayaa jab xoog leh kala kulmaya gulufka lagaga soo horjeedo ee horaan ka bilowday Gobolka Hiiraan, waana furinta keliya ee uu sida tooska ahi uga soconayo dagaalka la doonayo in lagu soo afjaro.