25.5 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

“Ciidamadii DF waaa mushshaar la’aan, yaa lagu sugeysaa nabad” Waxaa yiri…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Prof. Cabdi Ismail Samater oo kamid ah Aqoonyahaanada Soomaaliyeed oo ka qeybqaadanayay barnaamij ka baxay BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in Horumarka iyo Nabada Somalia ay waxbadan ka harsan yihiin.

Mar wax laga weydiiyay magacaabida Ra’isul wasaaraha Cusub ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa waxa uu sheegay in magacaabidaasi aysan wax soo kordhin karin, marba haddii ay baahi la soo daristay Ciidamada iyo shacabka.

Waxa uu sheegay in muhiimadu tahay in Maamulka Somalia laga soo dhiso dhinacyada Ciidanka iyo Horumada gudaha, waxa uuna taasi ku micneeyay in Ciidamadii dalka u halgami lahaa ay yihiin kuwa Mushaar la’aan, haddii ay taasi sii taagnaatana Somalia aysan ka talaabi doonin halka ay hada taagan tahay.

Prof. Cabdi Ismail Samater waxa uu DF Somalia ku booriyay inay dib dhigaan Khilaafyada, isbedelada iyo Wasiiro si isdaba joog ah loo magacaabo, islamarkaana u jiheysato dhismaha Ciidamada iyo samata bixinta kumanaanka soomaalida ee ku dhiban Gobolada dalka.

Dhanka kale, waxa uu Madaxweyne Xassan iyo Dowladiisu ku booriyay inay dadaalo badan u muujiyaan Ciidamada Dowlada iyo Bulshada baahida la il daran ee ku nool gudaha iyo daafaha magaalada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News