Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Dhuusamareeb ayaa sheegaya in heegan buuxa la galiyay dhammaan ciidamada Booliska iyo kuwa Daraawiishta Galmudug, iyaga oo lagu isugu geeyay gudaha magaaladaaas ee xarunta gobolka Galgaduud oo uu xalay ku hoyday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Ciidamada ayaa habeenkii labaad oo xiriiri ah howlgallo amni xaqiijin ah ka sameeyay magaalada, si ay usugaan amniga madaxweynaha iyo mas’uuliyiinta heer federaal ee ku sugan halkaasi.
Howlgalladan waxaa lagu soo biiriyay taliyeyaasha booliska ee degmooyinka Balanballe iyo Xeraale, si ay u xoojiyaan saraakiishii iyo ciidamadii horay u joogay gudaha Dhuusamareeb, waxaana ujeedka uu yahay in laga hortago inay dhacaan falal lidi ku ah ammaanka.
Sidoo kale saraakiisha hoggaamineysay howlgalka oo komeer sameeyay ayaa kulamo la qaatay dadka deegaanka iyo ganacsatada, waxayna kala hadleen nabad-gelyada, iyaga oo ugu baaqay inay kala shaqeeyeen sugidda amniga, maadaama marti culus ay joogto Dhuusamareeeb.
Howlgalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo habeen hore ka dhacay magaalada, laguna soo qabtay rag halis ah oo ku howlanaa falal ammaan darri ah.
Laamaha amniga ayaa sheegay in ragga gacanta lagu soo dhigay loo arkay inay halis ku yihiin amniga, waxaana weli baaritaanno dheeraad ah ku haya ciidamada.
Howlgalladan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan madaxweyne Xasan ku sugan yahay Dhuusamareeb oo uu u tegay howlo shaqo oo muhiim ah, sida ay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.
Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.
Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.