Cilad ku timid diyaarad ay la socdeen qaar ka mid ah madaxda HirShabeelle

Jowhar (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa cilad ku timid diyaarad ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka HirShabelle oo ku sii jeeday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Diyaaradda oo ka soo amba-baxday magaalada Jowhar ayaa cilad dhinaca matoorka ah ay ku qabsatay hawada, waxaana ay sidday wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle, Mudane Cabdixakiin Luqmaan Muxumed, islamarkaana uu qeyb ka ahaa wasiirka amniga maamulkaasi Maxamed C/raxmaan Khayre.

Wararka ayaa sheegaya in diyaaradda uu si deg-deg ah duuliyaha uga soo dajiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u xaqiijiyey jiritaanka warkan, iyaga oo shaaciyey in cilada ay ku timid ka mid ka mid ah matoorada diyaaradda.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in mas’uuliyiinta HirShabelle ay diyaarad kale ka qaateen garoonka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wafdigan ayaa ku socda Beledweyne, si ay uga qeyb uga noqdaan xallinta xiisada ka taagan gudaha magaaladaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax faah faahin ah oo laga bixiyey shilkaasi, balse ma jirto wax khasaare ah oo ka dhashay cilada ku timid diyaaraddaasi.

Madaxda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa inta badan isticmaala diyaarado marka ay tagayaan degmooyinka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, maadaama inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ay go’doomiyeen deegaanada uu ka arrimiyo maamulkaasi.