Madaxweyne Muuse Biixi oo ictiraaf raadinta la wadaagay safiirka Czech ee Ethiopia

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa qasriga madaxtooyada ku qaabiley safiirka dalka Czech Republic u fadhiya Addis-Ababa, Amb Pavel Mikes oo booqasho ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulanka ayaa waxa looga wada-hadlay iskaashiga xiriir rasmi ah oo dhex-mara Somaliland iyo Czech, iyo weliba sidii ay labada dhinac uga wada-shaqayn lahaayeen horumarinta waxbarashada, gaar ahaan farsamada gacanta, arrimaha ganacsiga iyo isu-socodka labada shacbi, sida ay sheegtay madaxtooyada Somaliland.

Qoraalka kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa waxa lagu sheegay in madaxweyne Muuse Biixi uu safiirka la wadaagay warbixin ku aadan ictiraaf raadinta iyo sida ay heegaanka ugu yihiin kamid noqoshada beesha caalamka.

“Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu warbixin mug leh ka siiyey weftiga, horumarka iyo wax wada-qabsiga dawladnimada Somaliland ay halkan ku soo gaadhay, inay tahay is-fahanka iyo wada shaqaynta dawladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Shacbigeeda wuxuu heegan buuxa u yahay inay kamid noqdaan beesha caalamka, kana helaan wixii ay xuquuq ku leeyihiin, iyagoo buuxiyey shuruudihii dawladnimo ee looga baahnaa oo dhan.”

Ugu danbayntiina waxa uu kulankaasi kusoo dhammaaday is af-garad buuxa, iyadoo madaxweyne Muuse Biixi uga mahad-celiyey safiirka iyo wafdigiisa booqashada ay ku yimaadeen magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.