Cirro oo shaaciyey cidda ka dambeysa khilaafka ka dhex qarxay guddiga doorashada

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka ee heer federaal ayaa ka hadlay khilaafka soo kala dhex-galay xubnaha guddiga, kaasi oo salka ku haya soo saarista harbaaca doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya ee shalay la shaaciyey.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in khilaafka ka dhex aloosan xubnaha guddiga uu salka ku hayo faro-gelin uga imaaneysa maamulada qaarkooda, oo ayagu ku qasbaya inay diidan habraaca doorashada Golaha Shacabka.

“Waxaa jira waa cadaadis ka imaanaya maamul goboleedyada oo ay saarayaan guddiyada ka socda, oo ay soo magacaabeen, taasi waxay xad-gudub ku tahay madax-bannaanida guddiga iyo hufnaanta doorashada,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in xubnaha ay soo xuleen maamul goboleedyada ee qeybta ka ah Guddiga, ay hadda yihiin kuwa madax-banaan oo aan ka amar qaadan karin madaxdii soo magacaabay.

“Guddiga maamul goboleedyada waa ay soo magacaabeen oo keliya, laakin hadda waa guddi madax-banaan, wada-ogol ayaa muhiim ah iney wax ku dhamaadaan.”

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in si gaar ah farta loogu fiiqayo madaxda maamul goboleedyada Jubaland iyo Puntland, Axmed Madoobe iyo Saciid Cabdullahi Deni, oo ayagu doonaya in habraaca doorashada awood badan lagu siiyo maamul goboleedyada, ayna kasoo horjeedaan habraaca soo baxay shalay, oo aan noqon sidii ay doonayeen.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa si gaar ah u doonaya inay awood weyn ku lahaadan soo xulista ergooyinka soo dooranaya xildhibaannada golaha shacabka, wuxuuna habraacu jideynayaa inay soo xulaan guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.